YamaniSacuudiga oo sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay weerareen markab shidaal

0
Wednesday April 04, 2018 - 08:25:06 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YamaniSacuudiga oo sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay weerareen markab shidaal

    Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay badda cas ku weerareen Markab nooca shidaalka qaada oo halkaasi marayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay badda cas ku weerareen Markab nooca shidaalka qaada oo halkaasi marayay.


Afhayeen u hadlay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga oo in muddo ah dagaal kula jiray Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in waxyeelo ay soo gaartay markabka, balse halkaasi uu kasii ambabaxay.

Xuutiyiinya Yemen ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen maraakiib dagaal oo ay leeyihiin isbaheysiga Sacuudiga.

Falkan ayaa dhacay iyadoo hey'adda Qaramada midoobay ay ku howlantahay shir dhaqaale loogu uruurinayo xaaladda baniaadanimo ee dalkaasi.

Xoghayaha guud ee Qamada midoobay, Antonio Guterres ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahaadalada nabadadda ee yemen.