Hargeisa:- Madaxweyne Biixi Oo Difaacay Saldhiga Milatari Ee Uae Ee Berbera Iyo Iskaashiga Somaliland La Samaysatay Dalalka Khaliijka.

0
Wednesday April 04, 2018 - 09:55:26 in by salman abdi
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Madaxweyne Biixi Oo Difaacay Saldhiga Milatari Ee Uae Ee Berbera Iyo Iskaashiga Somaliland La Samaysatay Dalalka Khaliijka.

    Hargeisa:- Madaxweyne Biixi Oo Difaacay Saldhiga Milatari Ee Uae Ee Berbera Iyo Iskaashiga Somaliland La Samaysatay Dalalka Khaliijka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Madaxweyne Biixi Oo Difaacay Saldhiga Milatari Ee Uae Ee Berbera Iyo Iskaashiga Somaliland La Samaysatay Dalalka Khaliijka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa difaacay saldhiga Milatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera.


Madaxweyne Biixi oo shalay u waramay wakaaladda wararka ee AP, wuxuu sheegay inuu ku rajo weynyahay in iskaashiga ay Somaliland la samaysatay UAE uu faa’iido u soo jiidi doono Somaliland. Heshiiska Somaliland iyo UAE ee saldhiga ayaa ah muddo 25 sannadood ah. "Dawladayadu aad uma xoog badna, jiidayaduna waxay u baahantahay in la ilaaliyo, waxaanan isleeyahay waxaanu u baahanahay wadan aanu saaxiib nahay oo aanu iska kaashano arrimaha ammaanka. Waanu u baahanahay.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu Madaxweyne Biixi sida ay wakaaladda AP sheegtay ka gaabsaday inuu cadeeyo tirada ciidamada Imaaraadka ee joogi doona saldhigan ama wakhtiga la dhammastiri doono saldhigan oo uu heshiiskiisu yahay 25 sannadood. "Haa, waxaanu xulafo la nahay Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga. Dhammaan ganacsigayaga, hantidayada muhiimkeedu waxay yaalaan Dubai. Dhammaan waxa noo soo degaa waxay ku xidhanyihiin Imaaraadka Carabta iyo dekedahooda. Waxaanu la leenahay xidhiidh ganacsi iyo dhaqaale. Sidaas darteed xulafo ayaanu la nahay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo isna la hadlay wakaaladan AP ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu calaamad u yahay xaqiiqada ah in Somaliland la ictiraafi doono.

"Waxaanu dareensanahay inaanu xaq u leenahay in lana aqoonsado. Aayo ka tashigayaga xaq ayaanu u leenahay sida ku cad xeerka Qaramada Midoobay.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad, waxaanu intaas raaciyay "Taasi waa xaqiiq u baahan inuu qof kastaa ogaado, lagana yaabaa in Imaaraadka Carabtu uu ugu dambaynta ku soo dhowaan doono in uu sida oo kale xaqiiqada aqoonsado.”