Hargeysa : Akhri Taariikh Nololeedkii Fannaanada Fannaanada Marxuumad Sahra Axmed Jaamac

0
Wednesday April 04, 2018 - 14:10:22 in by salman abdi
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa : Akhri Taariikh Nololeedkii Fannaanada Fannaanada Marxuumad Sahra Axmed Jaamac

    Taariikh Nololeedkii Fannaanada Sahra Axmed Jaamac Halkan kaga Bogo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh Nololeedkii Fannaanada Sahra Axmed Jaamac Halkan kaga Bogo

Taariikh kooban: Maamo Sahra Axmed Jama 1956 - 2018.................... ( IHN )
----------------------------------------------------------
• Sahra axmed jaamac, waxa ay hilaadii 1956-dii ay ku dhalatay deegaanka Burco ee Gobolka togdheer, sahra waxa ay ku barbaartay magaalooyinka, Hargaisa Burco, iyo Ceerigaabo oo ay asal ahaan ka soo jeeday

.1969-kii ayay sahra axmed ku soo biirtay fanka soomaalida, iyadoo da’deedu ahay 13-sanno jir, waxayna ugu horayn ka qayb qaadatay riwaayad uu curinteeda lahaa abwaan cali sugule dun carbeed oo ay magaalooyin badan ka dhigeen.

• Riwaayadii ugu horeysay ee ay iyadu actorad-ka noqotay waxa ay ahayd riwaayadii ‘Garashaa Garab Wayday Hadse La Gaadhi Mooyi’ oo uu laxaa abwaan axmed saleebaan bidde.

• heeteedii koobaad ee ay masrax la soo fuushayna waxa ay ahayd heesta caanbaxday ee "MA II BAAQDAY” oo ay markii danbe wada qaadeen Maxmed aadan dacar iyo Hibo nuura.

• Sahra axmed waxa ay ku caanbaxday oo dad badani u yaqaaneen magaca ah quruxda fanka soomaaliyeed, iyadoo ahay fanaanadii ugu da’da yarayd ee ku biirta waaberi hadana waxa ay ahayd xidig ka dhex ifaysa waaberi tan iyo burburkii dowladii dhexe ee somalia.

• burburkii somalia kedib waxa ay riwaayado badan sahra ay ku dib ugu dhigtay dalka jabuuti, iyadoo markii danbana dhinacaa iyo qurbaha u kicitintay, halkaasi oo in mudo ah ay ku noolayd.

• Heesaha aadka loo jecelyahay ee sahra axmed qaado amaba ugu daawashada iyo maqalka badan waxaa ka mid ah:

1 Suul dhabaale. Sahro Axmed vs Cabdiraxmaan dheere

2 Qooraansi eegmadu. Sahro Axmed vs Axmed Mooge

3 Goormeynu darisnaa. Sahro Axmed vs Muuse ismaaciil Qalinle

4 Wadaryahay. Sahro Axmed vs Cabdi Cali Baacalwaan

5 Beerqaad Sahro Axmed vs maxamed Axmed Dhabarlow

6 Nabsi waa jiraa. Sahro Axmed vs Maxamed Yuusuf Cabdi

7 Faraskaagii laga badi. Sahro Axmed vs Bacalwaan

8 Haatuf……………… sahro axmed vs Xasan Aadan samatar

9 Shini waliba Sahro Axmed vs Axmed mooge

10 Barasho Sahro Axmed vs Baacalwaan

11 Gacantaada Midig sahro Axmed vs Aadan Hure

12 Ima Baran Sahro Axmed vs Maxamed yuusuf

13 Khadro sahro Axmed vs Maxamed Nuur Gariig

14 Ubax Sahro axmed vs Xasan diiriye

15 Halaalin Sahro Axmed vs Cabdinaasir Macalin

16 Masoo la lisay Sahro axmed vs Abuuraas

17 Nabadgalyo Sahro Axmed vs Baacalwaan

• mudooyinkii ugu danbeeyay maamo Sahra axmed jaamac waxa ay ku noolayd magaalada hargaisa iyada oo la noolayd qoyskeeda.

• Ugu danbayn maanta ayay sahra ku geeriyootay magaalada hargaisa,
waxayna ifka kaga tagtay 11 caruur ah

• goor dhow ayaa la filayaa in lagu aaso xabaalaha qaranka ee magalaada hargaisa, waxaana aaskeeda ka qayb-geli doona badiba madaxda qaranka iyo hobollada somaliland.


By Cali Mahdi Jibriil