Somaliya:-Raysal Wasaraha Somaliya Oo Hanbalyay Ciidamo Fashiliyay Qarax Shalay Ka Dhacday Muqdisho

0
Saturday April 07, 2018 - 08:44:14 in by salman abdi
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:-Raysal Wasaraha Somaliya Oo Hanbalyay Ciidamo Fashiliyay Qarax Shalay Ka Dhacday Muqdisho

    Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xalay saqdii dhexe u tagay ciidan ka tirsan kuwa ammaanka oo shalay ka hortagay gaadiid qaraxyo ay ku jiraan oo la damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xalay saqdii dhexe u tagay ciidan ka tirsan kuwa ammaanka oo shalay ka hortagay gaadiid qaraxyo ay ku jiraan oo la damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka Muqdisho.


Xasan Cali Khayre ayaa u tagay ciidamada NISA ee ku sugan nawaaxiga Daarta Saybiyaan, halkaasi oo shalay uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kadib markii ciidamada ay ka shakiyeen.


Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidamada NISA qaabka wanaagsan ee ay uga hortageen gaarigaasi qaraxa ka buuxay ee la damacsanaa Shacabka in lagu laayo.

"Madaxweynaha salaam iga gaarsii ayuu yiri anigana, waxaan idin kaga mahadcelinayaa dadaalka aad muujisaan mar waliba, geesinimadiina ayaa waxa ay badbaadisay naf badan, waad ku mahadsan yihiin shaqada Qaranka aad u haysaan, waxaan rajeynayaa inaad shaqada sii laba jibaartaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xasan Cali Khayre ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay ciidamadii NISA ee ku sugnaa Barta Koontarool ee Saybiyaan, kadib markii shalay askari ka tirsanaa ciidankaasi uu goobta ku dhintay markii gaariga uu qarxay.

Al Shabaab ayaa shalay laba gaari oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan waxa ay la beegsadeen Koontaroolka Biya dageen ee ciidamada ay ku baaraan gaadiidka u socdaala dhanka Garoonka Aadan Cadde iyo Koontaroolka Saybiyaano ku yaallo.