Hargeysa:Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Mid Noqonaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland

0
Thursday April 12, 2018 - 00:22:55 in by salman abdi
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Mid Noqonaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland

    Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka mid noqonaya xildhibaanada golaha wakiilada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka mid noqonaya xildhibaanada golaha wakiilada somaliland.


Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ayaa badali doona booskii uu baneeyey alle haw naxariistee xildhibaan Ibraahin Axmed oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Xuseen Axmed Caydiid ah kaydka shanaad ee xubnaha u kaydsan xisbiga Kulmiye, isaga oo haysta codad gaadhaya 3,981 cod oo uu ka helay doorashadii golaha wakiilada ee uu ka qayb galay sanadkii 2005-tii.

Afartii xubnood ee ka horeeyey Xuseen Axmed Caydiid oo sida warqada ka muuqata uu kaga jiro kaydka Shanaad ayaa laba ka mid ahi hore uga mid noqdaan golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdilaahi Balaki iyo Maxamuud Jaamac Warfaa, halka labada xubnood ee kala ah Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Ismaaciil Mahdi Xuseen ay geeriyoodeen.

 

Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ayaa markan fursad u helaya inuu ka mid noqdo xildhibaanada golaha wakiilada, iyada oo lagu tilmaamo inuu yahay siyaasi go’aan adag oo sharci yaqaan ah.

Halkan Ka Akhriso Sida Ay U Kala Horeeyaan Xildhibaanada Kaydka Ah Ee Xisbiga Kulmiye

No automatic alt text available.