Hargeisa:- Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Oo Magacaabay Gudida Dardar Gelinta Dakhliga Dawlada.

0
Sunday April 15, 2018 - 18:51:05 in by salman abdi
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Oo Magacaabay Gudida Dardar Gelinta Dakhliga Dawlada.

    Hargeisa:- Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Oo Magacaabay Gudida Dardar Gelinta Dakhliga Dawlada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Oo Magacaabay Gudida Dardar Gelinta Dakhliga Dawlada.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddida Dardargalinta Dakhliga.


 

 

 

 

wareegtada wasiirka horumarinta maaliyadu waxay u qornayd sidan:-

 

"Laga bilaabo maanta waxa la idiin magacaabay Guddida Dardargalinta Dakhliga, idinka oo subax kasta shiri doona dajinna doona hawlihiinna maalinlaha ah ee ku saabsan sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa. Maadaama miisaaniyaddii 2018 ka la ansixiyay, waxa la inooga baahan yahay gunti-giijis iyo sidii loo soo saari lahaa ku-tala-galka dakhliga 2018 ka.

 


Sidaa awgeed, waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in aad hawshaas si degdeg ah uga hawl gashaan, waxaana guddidan madaxa bannaan madax u noqon doona wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Daahir Axmed.”

 

Guddida wasiirsku magacaabay waxay kala yihiin:
Wasiir-ku-xigeenka W/H/Maaliyadda
Xisaabiyaha Guud ee Dawladda
Agaasimaaha Waaxda miisaaniyadda
Agaasimaaha Waaxda Qorshaynta
Agaasime ku xigeenka Waaxda Kastamka
Agaasime ku xigeenka Waaxda Cashuuraha Berriga
Agaasime ku xigeenka Waaxda Maamulka
Madaxa Dakhli-kordhinta W/Kastamka
Madaxa Xidhidhka Dadweynaha