Maali:-Tirada Qaxootiga ka cararaya dagaalada Mali oo korodhay

0
Wednesday April 18, 2018 - 07:50:34 in by salman abdi
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maali:-Tirada Qaxootiga ka cararaya dagaalada Mali oo korodhay

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dagaalka dalka Mali uu sababay qulqulka qaxooti cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dagaalka dalka Mali uu sababay qulqulka qaxooti cusub.


Hay'adda UNHCR ayaa sheegtay in dad gaaraya 3,000 oo qof ay ilaa iyo imika ka qaxeen bartamaha dalka Mali islamarkana ay gaareen dalka dariska ah ee Burkina Faso.

Ku dhawaaqidda ay hay'adda qaxootiga ku dhawaaqday arrintan ayaa muujinaysa in xaaladda Mali ay ka sii dartay islamarkana dagaalada ku salaysan qoomiyadaha ay dad badan ku qasbeen in ay qaxaan.

Qaxootigii ugu horreeyay ee Mali ayaa qaxay 2012 waxa ayna dadkaasi oo leh qoomiyado kala duwan ay imika ku nool yihiin dalalka Mauritania, Burkina Faso iyo Niger.

Qaxootigan cusub ee dalka Mali ayaa u badan dadka madowga ah waxa ayna ka qaxayaan dagaalka ka socda bartamaha dalka Mali kaasi oo u dhaxeeya Fulanis iyo Dogons.

Goobaha imika uu dagaalka ka socdo ayaa ah goobo aan la gayn ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Bartmaha dalka ayaa waxaa ku yaalla magaalooyiin taariikhi ah sida Djenne iyo Mopti.

Waa goobta ay hay'adaha u dooda xuquuqda aadnaha ay sheegeen in ciidamada Mali ay sida joogtada ah ugu garaacaan kuna dilaan dadka qoomiyada Fulanis.

Hay'ada UNHCR ayaa sheegtay in qaxootigan cusub ee imika Mali ka qaxaya ay aadan goobo ka tirsan dalka Burkina Faso halkaasi oo ah meel ay cunno yari ka jirto.

Dagaalka Mali ayaa bilaabmay 2012 markaasi oo kooxo xagjir ah oo gacan saar la leh urur waynaha Al Qaeda ay la wareegeen wuqooyiga dalkaasi.