Somalia:- Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoon kula hadlay Cabdifitaax Al Sisi Madaxweynaha Dalka Masar Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen.

0
Wednesday April 18, 2018 - 11:06:55 in by salman abdi
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:- Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoon kula hadlay Cabdifitaax Al Sisi Madaxweynaha Dalka Masar Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Somalia:- Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoon kula hadlay Cabdifitaax Al Sisi Madaxweynaha Dalka Masar Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telfoon kula hadlay Cabdifitaax Al Sisi Madaxweynaha Dalka Masar Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay telfoon kula hadlay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Masar Cabdifitaax Al Sisi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Masar guusha uu ka gaaray doorashadii dhacday, waxa uuna Farmaajo u sheegay Sisi in ay dowlada Soomaaliya ku faraxsan tahay in mar kale la doorto.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kawada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxa ayna isla qaateen in labada dhinac laga wada shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Wadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahd celiyay Madaxweynaha dalka Masar taageerada joogtada ah ee dowlada Masar la garab taagan tahay Soomaaliya , waxa uuna ka codsaday in halkeeda uu kasii wado taageerada iyo garab istaaga Soomaaliya.

Madaxweyne Sisi ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.