Caalamka:- MADAXWAYNAHA ERDOGAN OO KU DHAWAAQAY DOORASHO WAQTIGEEDII LAGA SOO HORMARIYAY.

0
Thursday April 19, 2018 - 09:22:41 in by salman abdi
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- MADAXWAYNAHA ERDOGAN OO KU DHAWAAQAY DOORASHO WAQTIGEEDII LAGA SOO HORMARIYAY.

    Caalamka:- MADAXWAYNAHA ERDOGAN OO KU DHAWAAQAY DOORASHO WAQTIGEEDII LAGA SOO HORMARIYAY.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- MADAXWAYNAHA ERDOGAN OO KU DHAWAAQAY DOORASHO WAQTIGEEDII LAGA SOO HORMARIYAY.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaqay doorasho madaxweyne iyo Barlamaan oo waqtigoodii laga soo hormariyay.

Doorashada Turkiga ayaa imika la qaban doonaa 24 bisha June ee sanadkan.


Haddii doorasho la qabto dalkaasi ayaa waxaa madaxwaynaha la doorto uu helayaa awooda uusan imika lahayan madaxwaynaha.Madaxwayne Erdogan ayaa sheegay in dalka si deg deg ah uu ugu baahan yahay madaxweyne awood buuxda leh oo wax ka qabta dhibaatooyiinka haysta dalka.

Mar sii horeysana wasiirka gaashandhiga Turkiga ayaa sheegay in shaqada laga ceyriyay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidamada qalabka side ee dalkaasi.

Ciidamadani ayaa lalaxiriiriyay wadaadka lagu magacaabo Fatxullah Gulen oo deggan dalka Mareykanka.

 

Gulen ayay dowladda Turkiga ku eedaysay in uu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay 2016.

Tan iyo wixii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay ayaa waxay dowladda dalkaasi ay qaaday tillaabooyiin ay shaqada uga ceyrinayso askar iyo shaqaala ka tirsan dowladda oo lala xiriirinayo afgembigaas.