Sucuudiga:-Sucuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo filimka Black Panther.

0
Saturday April 21, 2018 - 08:03:21 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga:-Sucuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo filimka Black Panther.

    Sucuudiga:-Sucuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo filimka Black Panther.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga:-Sucuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo filimka Black Panther.

Sacudi Carabiya ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano.

Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday online ka hor dhowr daqiiqo .

Xayiraada saarneyd shineemooyinka oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda ayaa laga qaaday Sucuudi Carabiya sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaaran oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas.

Dumarka SucuudigaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDumarka Sucuudiga

Isbadeladan ayaa waxaa hoggaanka u haya dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo dhawaan u tagay Maraykanka socdaal dhaqaalaha la xiriira. .

Isbaddeladan ayaana waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay shineemooyin u soo daawadaan kuwooda dalxiiska u baxaa.


 
Falanqayn: Taliska ciidanka Sucuudiga ee la bedelay

Dhaxalsugaha Sucuudiga oo tagay Hollywood-ka

Go'aanka ay Sacuudi Caraabiya ku gaartay in ay joojiso mamnuucista shineemooyinka ayaa qayb ka ah is beddel weyn oo ijtimaaci ah.

Sida dalalka kale ee bariga dhexe, Sacuudiga waxaa ka buuxa dad dhallinyaro u badan. Badi 32-ka malyan ee qof ee ku nool, waxay da'doodu ka yar tahay 30 sano.