Suciidiga:- Rasaas Culus Oo Xalay Laga Maqlay Qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya

0
Sunday April 22, 2018 - 10:25:12 in by salman abdi
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suciidiga:- Rasaas Culus Oo Xalay Laga Maqlay Qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya

    Rasaas culus ayaa caawa laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada Riyadh, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo laga maqlayay dhawaaqa rasaas culus, taasoo jahwareer badan dhalisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasaas culus ayaa caawa laga maqlay qasriga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada Riyadh, iyadoo baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalo laga maqlayay dhawaaqa rasaas culus, taasoo jahwareer badan dhalisay.



Ciidamada Sacuudiga ayaa toogtay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone oo ku soo dhowaatay goobaha laga sugo ammaanka oo ku dhow Qasriga Boqortooyada Sacuudiga.

Afhayeenka Booliska Riyadh ayaa u sheegay wakaalada wararka Sacuudiga in ciidamada ammaanka ay la tacaaleen diyaarad yar oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone oo ku soo dhowaaday goob ammaan ah oo ku taal Khuzama.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaan uu socdo, sababta ka dambeysay diyaaradan yar aan duuliyaha laheyn oo ku soo dhowaatay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga.

Rasaasta laga maqlayay Qasriga Boqortooyada ayaa socotay ku dhowaad sodon daqiiqo, waxaana baraha bulshada hareeyay hadal heyn kala duwan oo ka mid ahaa in afgambi uu ka dhacay Boqortooyada iyo warar kale.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa xilliga la rasaasta la maqlayay ku sugneyn qasriga Madaxtooyada, waxaa uu joogay Beertiisa Diriya.

Sacuudiga ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay qalqal amni, kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay gantaalo ku soo rideen magaalada Riyadh.