Gudaha:-Xukuumada Somaliland Oo Ciidamo Tirada Badnaa Ku Daabushay Jiida Hore,Iyo Sansaan Colaadeed Oo Kasoo Cusboonaaday Daagaanka TUKARAQ

0
Sunday April 22, 2018 - 12:46:49 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Xukuumada Somaliland Oo Ciidamo Tirada Badnaa Ku Daabushay Jiida Hore,Iyo Sansaan Colaadeed Oo Kasoo Cusboonaaday Daagaanka TUKARAQ

    Gudaha:-Xukuumada Somaliland Oo Ciidamo Tirada Badnaa Ku Daabushay Jiida Hore,Iyo Sansaan Colaadeed Oo Kasoo Cusboonaaday Daagaanka TUKARAQ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Xukuumada Somaliland Oo Ciidamo Tirada Badnaa Ku Daabushay Jiida Hore,Iyo Sansaan Colaadeed Oo Kasoo Cusboonaaday Daagaanka TUKARAQ

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamada hoosyimaada ayaa waxaa weli ku sugan boqolaal katirsan ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, taasi oo cabsi ku beertay shacabka degaanka.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka ayaa sheegaya in fariisimada ciidanka labada dhinac ay gaareen ciidamo aad u hubaysan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood oo taliska ciidanka labada dhinac laga hagaayo.

Xukuumada Somaliland Ayaa Ciidamo Xoogan Oo Cabsi Geliyey Kuwa Puntland Ku Dabaashay Deegaanada Jiida Hore Kadib Markii La Sheegay In Moorgan Safar Ku Imanayaao Deegaano Hoos Yimaada Gobolka Sool

Dhanka kalena, deegaanka God-qaboobe oo ay ku sugan yihiin ciidanka difaaca Puntland ayaa waxaa gaarey ciidamo hubaysan oo ka yimid qaybo kamid ah gobolada Puntland iyo kuwa horleh oo muddooyinkii ugu dambeeyey kujirey carbin.

Dawlada Soomaaliland ayaa dhowaan waxa uu ku dhawaaqay in ciidanka Puntland ay hubka culus ku soo garaaceen fariisimada ciidankoodu kuleeyihiin duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool inkastoo aysan sheegin haddii wax khasaare ah ka soo gaarey.