Ciyaao:-Real Madrid Oo Dhulka La Dhacday Bayern Munich Oo Joogta Garoonkeeda

0
Thursday April 26, 2018 - 09:11:57 in by salman abdi
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaao:-Real Madrid Oo Dhulka La Dhacday Bayern Munich Oo Joogta Garoonkeeda

    Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku tegayso finalka Champions League kaddib markii ay lugta koowaad ee semi-finalka 2-1 ku garaacday Bayern Munich oo joogta garoonkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku tegayso finalka Champions League kaddib markii ay lugta koowaad ee semi-finalka 2-1 ku garaacday Bayern Munich oo joogta garoonkeeda.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Allinz Arena ee magaalada Munich ayaa Real Madrid oo labadii sannadood ee u dambeeyey ku guuleysatay koobka Champions League ayaa marti u noqotay Munich, waxaana ay ciyaartu ku bilaabantay jewi aad u kacsanaa oo labada kooxood xamaasaddoodu sarrayso, isla markaana ay Bavaria dooneysay inay iska ka aargoosato sannadihii u dambeeyey oo marxaladdan ay Real ku reebtay.


Bayern Munich ayaa daqiiqaddii 28aad hoggaanka ciyaarta u dhiibay Bayern Munich, markaas oo kubbad weerar rogaal celis ah uu kubadda dhexda ka tuuray James Rodriguez oo cagta u saaray Kimmich oo baasha midig ordayey, waxaana uu kubadda si fudud u daba-mariyey goolhaye Navas oo dhinac khaldan kubadda ka raacay.

Intii aanay dhamaanin qaybta hore ayaa ay Real Madrid barbar dhaca heshay, waxaana u saxeexay laacibka baasha bidix ee Marcelo oo kubbad awood badan oo dhinaca midig ka timid ku liishaamay goolka Munich shabaqana ku ruxay.

Labada kooxood ayaa ku kala nastay 1-1, hase yeeshee, qaybta hore waxa Bayern Munich dhaawac kaga baxay Boeteng iyo Robben.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad, tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa beddelay Isco oo khadka dhexe ka ciyaarayey, waxaana uu ku beddelay Isco oo noqday laacibka guusha keenay.

Daqiiqaddii 57aad ayaa uu Vazquez kubbad rogaal celis ah u dhiibay Asensio oo dhinaca bidix ordaya, waxaana uu kubbad fudud ka dulqaaday goolhayaha Munich oo tahli waayey inuu iska bedbaadiyo goolka niyadda ka jabiyey jamaahiirta.

Real Madrid ayaa ay guushu ku raacday 2-1, waxaana toddobaadka dambe ay lugta labaad ku ciyaari doonaan garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid, halkaas oo dagaal adag oo kala saari doono labada kooxood uu ku dhex mari doono.