Ethiopia:-Abiy Axmed oo doonayo in uu xaddido muddada xilka ra'iisalwasaaraha Itoobiya.

0
Saturday April 28, 2018 - 08:01:04 in by salman abdi
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia:-Abiy Axmed oo doonayo in uu xaddido muddada xilka ra'iisalwasaaraha Itoobiya.

    Ethiopia:-Abiy Axmed oo doonayo in uu xaddido muddada xilka ra'iisalwasaaraha Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia:-Abiy Axmed oo doonayo in uu xaddido muddada xilka ra'iisalwasaaraha Itoobiya.

Ra'iisalwasaariha Itoobiya ee dhowaan la magacaabay Abiy Ahmed ayaa sheegaya in uu qaadayo tallaabooyin cusub oo lagu xaddidayo muddada xilka uu haynayo Ra'iisalwasaaraha, taas oo lagu soo koobayo laba xilli doorasho oo kaliya.

Haatan sharciga waddanka ayaa u oggolaanaya ra'isalwasaaraha in xilka uu hayo mudda aan cayineen.

Tallaabadaan ayaa ka mid ah isbedello uu Mr Abiy horay u ballan qaaday inkastoo waddanka uu weli ku jiro amarka deg-degga ah.


Ra'iisalwasaarihii isaga ka horreyay Hailemariam Desalegn, ayaa si lama filaan isku casilay bishii febaraayo iyadoo wadanka uu wajahayay dibed baxyo looga soo horjeeda dowladda.

Mr Abiy ayaa ka soo jeeda qowmiyadda ugu badan Itoobiya ee Oromda, kuwaasoo muddo dheer ku andacoonayay in la xaqiray.