Itobiya Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Oo Bookhanaya Dalka Kenya

0
Monday May 07, 2018 - 09:14:26 in by salman abdi
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itobiya Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Oo Bookhanaya Dalka Kenya

    Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Ali ayaa uga bilaabatay booqasho rasmi ah dalka Kenya iyadoo ay markii ugu horeysay ee uu Abiy Ahmed tago magaalada Nairobi tan iyo markii loo doortay hogaanka dalkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed Ali ayaa uga bilaabatay booqasho rasmi ah dalka Kenya iyadoo ay markii ugu horeysay ee uu Abiy Ahmed tago magaalada Nairobi tan iyo markii loo doortay hogaanka dalkiisa.



Diyaaradii uu la socday Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ethiopia ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta 5tii galabnimo xilliga Geeska Afrika waxaana halkaa ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibbada iyo Ganacisga Caalamka Monica Juma, Wasiirka Shaqaalaha Ukur Yattani iyo Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko.

Afhayeenka Madaxtooyada dalka Kenya Manoah Esipisu Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa kulamo rasmi ah la yeelan doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta maalinta Isniinta ah.

Hase yeeshee afhayeenka madaxtooyada Kenya ayaa hadal uu jeediyay laguna daabacay wargeyska Daily Nation waxa uu ku sheegay in booqashadan ay tahay tii ugu horeysay ee ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu dal dibada ah ku tago tan iyo markii loo dhaariyay xilka ra’iisul wasaaranimada,balse ra’iisul Wasaare Abiy ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegey dalka Jabuti.

Kulanka ay labada hogaamiye yeelanayaan ayaa diirada lagu saari doonaa xiriirka labada dal iyo weliba xaalada guud ee gobolka geeska Afrika.