Suuriya:-Jabhad Suuriya Ka Dagalanta Oo MeeshI U Dabaysay Gacanta Lagaga Dhigay

0
Tuesday May 08, 2018 - 09:14:44 in by salman abdi
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuriya:-Jabhad Suuriya Ka Dagalanta Oo MeeshI U Dabaysay Gacanta Lagaga Dhigay

    Mucaaradka suuriiya ayaa billaabay iney ka baxaan halki ugu dambeeyey oo ay gacanta ku hayeen ee waddanka ay dagaalladu ragaadiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaradka suuriiya ayaa billaabay iney ka baxaan halki ugu dambeeyey oo ay gacanta ku hayeen ee waddanka ay dagaalladu ragaadiyeen.


Boqollaal dagaalyahannada mucaaradka iyo qooysaskooda ayaa ku baxayey basas tira badan goob ku taallo bartamaha suuriya oo u dhaxeysa Xoms iyo Xama.

Heshiis ay wada galeen dowladda Suuriya ee ay Ruushka xulafada yihiin, waxay dableydu u fureen waddo ay si nabad galya ah uga gudbaan oo ay mucaaradka gacanta ku hayaan oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Weli meela kooban oo ka mid ah Suuriya waxay gacanta ugu jiraan mucaaradka dhulkaasi oo ku yaallo waqoooyiga iyo koonfurta fog ku yaallo.

Dagaallamayaasha oo loo oggolaaday iney hubka fudud la baxaanLahaanshaha sawirkaAFPImage captionDagaallamayaasha oo loo oggolaaday iney hubka fudud la baxaan

Sidee ka bixitaanka looga heshiiyey?

Wada xaajood qoto dheeraa ayaa wuxuu arbacadi duleedka magaalada Alepo ku dhex maray garabka xoreynnta suuriya u dagaallama iyo saraakiil ciidan oo Ruushka ka socday sida ay sheegtay wakaaladda wararka Routers.

Hubka culus ee ay kooxaha hubeysan siteen waa laga reebay waxaana loo oggolaaday iney dableydu hubka fudfudud la baxaan, iyaga oo basas tira badan raacaya una sii gudbaya deegaanka Idilib ee ay mucaaradka gacanta ku hayaan kuna yaallo waqooyiga bari ee dalka.

Boolis ka tirsan ciidanka Ruushka ayaa ilaalinayaa basaska iyo musliiinta sunniga ah si ay wax u gaarin si aan dagaalla aarsi looga soo qaadin.

Dhulka ay ka baxayaan dableyda mucaaradka oo ay ka mid tahay magaalada Rastan, inta aan heshiiska ka bixitaanka la gaarin waxaa si weyn u duqeeyey diyaaradaha dagaalka ee Ruushka sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

Cabdulcasiis al-Barazi oo ah qof rayad ah oo wadahadallada u matatlayey mucaaradka rayadka ayaa wuxuu sheegay ” iney dableydu ku qasbanaadeen iney dhulka ay gacanta ku hayeen isaga baxaan wadda kalana uma bannaaneyn iney isdhiibaan iyo iney dadka rayadka dhibaatada ku sii socoto” wax u dhaxeeya ma jirin.

Ka bixitaanka dableyda ayaa la filayaa iney laba maalmood qaadato waxaana la arkayaa kumannaan qof oo basas sii raacayo Isniinti meel ka baxsan Rastan.

BBCImage captionBBC

Ka bixitaankan maxay dagaallada uga dhigan tahay?

Toddoba sano oo dagaal ah kaddib xukumadda Suuriya oo garab ka heleyso militariga Ruushka iyo Iiraan waxaa u suuragashay iney dib u qabsato dhulka ugu badan bartamaha Suuriya oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee ugu weyn dalka ee Aleppo.

Inta u dhaxeysa Xoms iyo Xama ammaanka waxaa gacanta ku haysa dowladda maadaamaa uu ku yaallo marin muhiim ah oo sanado badan dagaal u xidhnaa.

Dagaallamayaashu waxay xooggooda isugu geeyeen Idlib, oo ah halka ay ku sugan yihiin kumannaan dagaallamayaasha ka mid ah oo bishi hore ka soo baxay bariga Ghouta.

Welina dagaallamayaashu waxay gacanta ku sii hayaan qaybo ka mid ah gobolka Dera iyo koonfurta-galbeed ee fog.

Dhinaca kale Turkiga ayaa ka digay soo xoogeysiga saameynta ay kurdiyiintu ku leeyihiin Suuriya, ee wakhti xaadirkan qabsaday aagga koonfur galbeed oo gacanta ugu jirta dagaallamayaasha kurdiyiinta suuriya ee YPG.

Iyada oo ay dowladda Mareykankana ay sii waddo taageerada xoogagga dimuqraadiyadda suuriya ee ay hoggaanka u hayaan kurdiyiinta oo dagaal kula jiro kooxda IS.

Hay’ad xuquuda aadanaha u doodda uu fadhigeedu yahay UK, dagaalka toddobada sano ka socday suuriya waxaa ku dhintay 400,000 iyada qaar bandanna la la’yahay.

Dad kabadan 22 million oo qof ayaa guriyahoodi ka qaxay iyada oo ay 6.1 milyan oo qofna ay dalka gudahiisa ku barakaceen, 5.6 milyan oo qofna ay dalka dibaddiisa u qaxeen dadka ugu bandanna ay ku sugan yihiin waddamada suuriya deriska la ah sida dalka Libnaan.