Maraykanka:-Madaxwaynaha Maraykanka Oo Digniintii Ugu Adkayd U Diray Iiraan.

0
Thursday May 10, 2018 - 10:32:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:-Madaxwaynaha Maraykanka Oo Digniintii Ugu Adkayd U Diray Iiraan.

    -Maalin ka dib markii uu Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nuklear-ka ee Iran ayuu madaxweyne Trump uga digay xukuumadda Tehran in ay la kulmi doonto cawaaqib xumo waa haddii ay dib u bilowdo mashruucdeeda nuclear-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Maalin ka dib markii uu Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nuklear-ka ee Iran ayuu madaxweyne Trump uga digay xukuumadda Tehran in ay la kulmi doonto cawaaqib xumo waa haddii ay dib u bilowdo mashruucdeeda nuclear-ka.

-Maalin ka dib markii uu Mareykanka uu ka baxay heshiiskii Nuklear-ka ee Iran ayuu madaxweyne Trump uga digay xukuumadda Tehran in ay la kulmi doonto cawaaqib xumo waa haddii ay dib u bilowdo mashruucdeeda nuclear-ka.

Madaxweyne Trump ma uusan sheegin waxa ay noqonayaan cawaaqib xumada oo aan ka ahayn in uu ka baxay heshiiska Nuclear-ka ee Iran oo dib ugu celinayo cuna qabateyntii horay u saarnaanjirtay taasi oo ujeedkeedu yahay in Iran heshiis cusub lala galo.


Haddii ay Iran ogolaan weydo heshiiskaasi cusub, waa ay ka shallaaynaysaa, ayuu yiri Trump. Balse haddana ma uusan faaf-faahin waxa uu ula jeedo hadalkaasi.

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu Iran ku soo roogi dooni cuna qabatayntii ugu weynayd abid taasi oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gali doonto.

Ma cadda cuna qabataynta uu ka hadlaya in ay tahay mid cusub ama uu ku celin doono tii hore, taasi oo noqon doonto muddo ka badan 3 bilood ama lix bilood.

Inkastoo waddamada Yurub ay ka soo horjeesteen go’aanka Trump hadana madaxweyne Trump waxa uu weriyeyaasha u sheegay in waddamada kale ay ku faraxsanyihiin go’aanka uu qaatay, sababtoo ah heshiiska nuklearka ee Iran waxa uu ahaa mid haldhinac ah taas oo sababtay in uu kordho Nuclear-ka bariga dhexe.