Caalamka:-Maraykanka oo sii kordhinaya caadiska cunaqabataynta Iiraan

0
Friday May 11, 2018 - 11:38:12 in by salman abdi
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Maraykanka oo sii kordhinaya caadiska cunaqabataynta Iiraan

    Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay lix qof iyo saddex sharikadood oo ay sheegtay in ay xiriir laleeyihiin ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay lix qof iyo saddex sharikadood oo ay sheegtay in ay xiriir laleeyihiin ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).


Xoghaya maaliyadda Steven Mnuchin ayaa sheegay in cunaqabataynta lala eegtay qolyaha malaayiinta dollar siiya kooxdaan, si loogu fuliyo hawlaheeda baabi'inta ah.

Bangiga dhexe ee Iiraan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey in uu gacan ka siiyo kooxda ilaalada kacaanka islaamiga ah ee IIraan in ay helaan doolarka Maraykanka.

Waaxda maaliyadda ee Maraykanku ma aysan magacaabin shakhsiyaadka la cunaqabateeyey, balse waxay sheegtay in dhammaantood ay yihiin dad u dhashay Iiraan.

Tallaabadaan ayaa looga mamnuucayaa shakhsiyaad iyo sharikada Maraykanka in ay xiriir ganacsi la yeeshaan kooxahan la cunaqabateeyey, ayadoo dawladda isutagga Imaaratka Carabtu ay gacan ka gaysanayso arrintaan.

Militariga TehranLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMilitariga Tehran

Dawladda Iiraan iyo bangigeeda dhexe waxay sixun u adeegsanayaan in ay galaangal u yeeshaan sharikado ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta si ay u helaan doolarka Maraykanka oo ay ku maalgaliyaan hawlaha ujeedooyinka xun leh ee ilaalada kacaanka islaamiga ah ee Iiraan, taas oo ay kamid tahay in lagu maalgaliyo kooxo gobolka qalalaaso ka suubiya.