Australia:-Nin laayay carruur uu awaw u yahay

0
Monday May 14, 2018 - 08:34:19 in by salman abdi
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia:-Nin laayay carruur uu awaw u yahay

    Abaaha dhalay afar carruur ah iyo hooyadood oo la dilay maydkoodana laga helay Galbeedka Australia ayaa eeda dusha ka saaray awawgood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaaha dhalay afar carruur ah iyo hooyadood oo la dilay maydkoodana laga helay Galbeedka Australia ayaa eeda dusha ka saaray awawgood.


Aaron Cockman ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in Peter Miles oo 61 jir ah aysan arrintan "ku soo boodin" ee uu ku fikirayay muddo dheer.

Maydka Miles xaaskiisa Cynda, gabdhiisa Katrina iyo afar carruur ah oo uu awaw u yahay ayaa maydkooda laga helay Osmington Jimcihii.

Booliiska ayaa sheegay in aysan jirin qof kale oo ay ku raadjoogaan oo ay uga shakisan yihiin dilkaas.

Ma aysan xaqiijinin magaca dilaaga balse waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in uu ka mid yahay dadka dhintay.

KatrinaLahaanshaha sawirkaKATRINA MILES/FACEBOOK

Saddex qori oo laga helay dhismaha waxay u diiwaangashanaayeen Miles, ayuu booliisku yiri.

Cockman lama uusan noolayn Katrina Miles marka uu dilkaasi dhacayay.

Saxafiyiinta ayuu ku yiri ma caraysni "balse murugo aad u badan ayaan dareemayaa carruurtayda awgood, mana doonayo in qofina uu caroodo".

Khariidad