Burco: Suldaan Caan ah oo Ciidammada Boolisku Xabsiga Dhigeen

0
Sunday May 20, 2018 - 15:14:44 in by salman abdi
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco: Suldaan Caan ah oo Ciidammada Boolisku Xabsiga Dhigeen

    Ciidammada booliska gobolka Togdheer ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay suldaan Maxamed Muuse Cunne oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada booliska gobolka Togdheer ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay suldaan Maxamed Muuse Cunne oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland.


Suldaanka ayaa la sheegay in ciidamada boolisku ay qabten isaga oo saladii maqrib ku tukanaayey Masjid u yaalla magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu Suldaanku deegaanka ahaan ka soo jeedo.

Suldaanka ayaa maalmihii ugu danbeeyey waxaa uu eedo kulul oo ku saabsan arrinta ceel afweyn uu hawda u marinaayey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Xadhiga Suldaanka waxaa noo xaqiijisay Walaashii Raxma Muuse oo noo sheegtay in Saddex gaadhi ka xeeyeen Suldaanka, waxa ayna noo sheegtay iyaduna aanay garanayn meel la geeyay.

Dhinaca kale warar aanu kala helayno ilo wareedo kale ayaa noo xaqiijiyay in ay dhici karto in dhinaca Hargaysa loo soo dhaadhiciyo Suldaanka.