sheeko gaaban oo qiima leh!!!! tolow waa maxay, maxayse ku saabsan tahay bal akhri adigaa yaabiye// Waa Qalinkii Ibraahin Xamari

0
Friday February 28, 2014 - 14:45:55 in by London Office
  • Visits: 3574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    sheeko gaaban oo qiima leh!!!! tolow waa maxay, maxayse ku saabsan tahay bal akhri adigaa yaabiye// Waa Qalinkii Ibraahin Xamari

    sheeko gaaban oo qiima leh!!!! tolow waa maxay, maxayse ku saabsan tahay bal akhri adigaa yaabiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sheeko gaaban oo qiima leh!!!! tolow waa maxay, maxayse ku saabsan tahay bal akhri adigaa yaabiye

BOQORKII IYO LA TALIYIHIISI

Beri ayaa waxaa jiray nin boqor ahaa, ninka boqorka ahi waxa uu lahaa niman la taliyayaal ah oo badan la taliyayaasha waxaa ka mid ahaa nin ay aad boqorka isugu dhawaayeen oo niyadiisu fiicnayd ninkaasi wax kasta oo dhaca waxa uu ka eegi jiray dhinaca wanaagsan waxaanu odhan jiray waa khayr.

 

Dhibaata kasta oo soo waajahda boqortooyada wuu u sakhiri jiray boqorka niyaddana wuu u dajin jiray, boqorkuna ninkaa la taliyihiisa ahaa aadbuu u jeclaa waayo waxa uu ahaa nin fikrado wanwanaagsan keena.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa boqorkii iyo la taliyihiisi u bexeen ugaadhsi dabadeetana boqorkii ayaa si kama’ah isugu dhuftay aaladii uu sitay ee uu ku ugaadhsanaayay markaasuu is gooyay suul.

 

Boqorkii oo dhiigii ka soconayo ayaa la taliyihiisi ku yidhi "bal eeg waxa i gaadhay suul baan is gooyay, dhiigaygi wuu daatay, maanta way ii dhamaatay iyo wax la mid ah ayaa uu boqorkii ugu calaacalay la taliyihiisi.

 

Halkii uu boqorkii wax kale ka sugaayay ayaa uu ugu jawaabay "ma intan oo kaliya ayaad la cataabaysaa boqor ma iyadaa waxba ku gaadheenba waar waaba khayr hadii intaasi kugu dhacday maanta” isaga oo uga jeeda waxaa ka darnaan lahayd adiga oo meel halbawle ah is gooya.

 

Boqorkii waxa uu u qaadan waayay kalmadan la taliyihiisa ka soo yeedhay waxaanu u maleeyay in ninkani cadaw ku yahay kuna farxay dhibaatada soo waajahday, boqorkii iyo la taliyihiisi markii ay ku noqdeen madax tooyadii ayaa uu ciidankiisi ku amray in ninkan la taliyaha ah la xidho.

 

Markii uu ninkii la taliyaha ahaa muddo dheer xidhnaa ayaa uu boqorkii mar labaad u baxay ugaadhsi dabadeedna waxaa la fogaaday u gaadhsigii markaasuu galay dhul lama galaan ah oo ay ku nool yihiin dad cawaan ahi.

 

Cawaankii markiiba way hareereeyeen boqorkii oo way xidheen iyaga oo ku tala galay in ninkan la qalo oo loo gawraco sanamkii ay caabudayeen, Caadana waxay u lahaayeen qofka qurbaanka laga dhigayaa in aanu ahaanin qof iinle boqorkii oo xidhxidhan ayaa loogu yeedhay kii ugu waynaa cawaanka dabadeetana wuu baadhay waxaanu ku arkay suulkii go’naa markaasuu cawaankii kale ku yidhi "waar inaga sii daaya kan suul baa go’ane”.

 

Boqorkii ayaa la sii daayay dabadeetana isaga oo faraxsan ayaa uu ku noqday boqortooyadiisi markaasuu yidhi "ninkii la taliyahayga ahaa hala soo daayo” ninkii la taliyaha ahaa ayaa la soo daayay markii loo keenay boqorkii ayaa uu ku yidhi "saaxiib khalad ayaan kaa galay adiga oo aan waxba igu samayn ayaan muddo dheer ku xidhay”

 

la taliyihii waxa uu yidhi "oo maanta maxaa ku helay ee badalay ra’yigaagi?”

 

Boqorkii waxa uu uga sheekeeyay wixii uu la kulmay iyo sababtii uu ku soo badbaaday markaa ninkii boqorka ahaa waxa uu ku yidhi la taliyihiisi "sidii aad sheegaysay run bay ahayd suulkii maalintii i go’ayna khayr buu ahaa hadii aanu maalintii i go’ilahayn maanta waa la’i qali lahaa markaa nin yahaw raali ahaw saaxiib waan kugu khaldamaye”

 

Ninkii la taliyaha ahaa wuu fikiray dabadeetana waxa uu yidhi isga oo faraxsan "boqorkaygiyow xidhitaankii aad i xidhayba waxa uu ahaa khayr wax colaadana kuuguma hayo ee waaban kaaga mahad celinayaa oo aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay xidhitaankii aad i xidhay”

 

Boqorkii wuu yaabay oo waxa uu yidhi "khalad baan kugu xidhay, hadana waxa aad i leedahay xadhigii la i xidhay waxa uu ahaa khayr siday ku dhici kartaa arintaasi?”

 

Ninkii la taliyaha ahaa waxa uu yidhi boqor kaygiyow arintu sidaad moodayso maaha ee waxaa weeye

"hadii aanad maalintii i xidhi lahayn maanta waan kula ugaadhsi tagi lahaa, cawaankuna way ina wada qaban lahaayeen, adiga waa lagu sii dayn lahaa waayo suul baa ku go’an, laakiin aniga waa la i qali lahaa, markaa boqor aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay xadhigaagi aad i xidhay iyo badbaadin taadi aad iga badbaadisay cawaanka”

 

Boqorkii wuu u khushuucay fikrad wanaaga la taliyihiisa maalintaa ka bacdina labadooda cidi uma dhaxayn jirin.

waa qalinkii Ibraahin Xamari