Gudaha: Xaalad Degdeg ah oo lagu soo Rogay Gobol kamida Gobollada Somaliland iyo Sababta

0
Tuesday May 22, 2018 - 10:19:42 in by salman abdi
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha: Xaalad Degdeg ah oo lagu soo Rogay Gobol kamida Gobollada Somaliland iyo Sababta

    Gobal Ku Yaala Somaliland Oo Xaalad Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobal Ku Yaala Somaliland Oo Xaalad Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay
Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cabdi ayaa shaaciyay in roobabkii gobolka Ka da'ayay in ay gaystaan khasaare iskugu jira dhimasho,barakac,waxaana uu cadeeyay in ay baadhis ay sameyeen ilaa hadda dhimashadu tahay 21 qof oo goobo kala gadisan ku dhintay


Badhasaabka ayaa iskugu yeedhay dhamaan haay'adahii gobolka ka hawl galayay waxaana uu tilmaamay inuu ku war galiyay in ay Galaan Xaalad Deg deg oo bulshadda wax loogu qabanayo iyo sidii loo gaadhi lahaa degmadda lughaya oo wali godoonsan isla markaasina hawadda maqan yihiin is-gaadhsiintii magaalada lagula xidhiidhi lahaa.

"Roobkii waa uu da'ay khasaare badana wuu gaystay imika deegaanka baki iyo Gargaara waxa ku dhintay dad badan ilaa haddana khasaaraha aanu haynaa waxa uu yahay 15 qof, xoolo badana way dhinteen oo waliba xoolahu si xoogan ayuu khasaare u gaadhay,waxaanan halkan ka sheegaynaa war inaan laga hayn deegaanka lughaya madaama oo wali godoon ay ku jirto khasaare kama war hayno ilaa haddana deegaankuna isgaadhsiintu hawadda ayay ka maqan tahay.

Badhasaabka oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi".Xamarta iyo geedka nin galool oo iyana laba qof oo mid meel ku dhinta ayaanu haynaa iyo qabuurta meel layidhaaho oo iyana saddex qof ku dhinteen oo dabaylo iyo roobab xoogani ku dileen dadkaasi ayaa jira,waxaanan halkan ka sheegayaa in beerihii uu ka dhigay dooxyo oo gabi ahaamba wuu baabiiyay oo saricii iyo wixii ku yaalay ciida ayuu la simay daadka waawayn ee meesha marayay,marka aynu eegnayno xaaladahaas adag ee meesha ka jira waxaan go'aansaday wixii tiimam ee diyaar ah inaan hadda diro si ay bulshadda wuxuun ula gadhaan

Badhasaabka ayaa sheegay inuu Gobolku hadda ku jiro xaaladda deg deg ah oo bulshadda ay duufaantu saamaysay wax loogu qabanayo isla markaasina lagaga war doonayo dadka kale ee ku godoonsan goobaha iyo magaalooyinka ay duufaantu dumisay ee ay ka mid tahay Lughaya