Caalamka:-Ingiriiska ma sii ahaan karaa luuqadda loogu jecelyahay adduunka.

0
Thursday May 24, 2018 - 08:44:30 in by salman abdi
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Ingiriiska ma sii ahaan karaa luuqadda loogu jecelyahay adduunka.

    Caalamka:-Ingiriiska ma sii ahaan karaa luuqadda loogu jecelyahay adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Ingiriiska ma sii ahaan karaa luuqadda loogu jecelyahay adduunka.

Luqadda Ingiriiska waxaa ku hadla malaayin qof dunida oo idil, balse waxaa horumarkeeda loolan ku haya teknooloojiyadda iyo luqado kale oo la barxay.

Sua'aashu la is weyddiin karaase waxay tahay, waddankee ayay dadka ugu abdan ku hadlaan luuqadda Ingiriiska?

Jaawabtuna waxay tahay waa dalka Shiinaha.

Sida ku xusan daraasad ay sameeysay laanta warbaahinta ee Jamaacadda Cambridge in ka badan 350 milyan oo qof ayaa ku hadla luqadda Ingiriiska, ugu yaraan 100 milyan qof oo dadkaasi ka mid ah waxay ku nool yihiin dalka Hindiya.

Dad badan oo Shiinaha ku nool ayay luqadda Ingriiska u tahay luuqad labaad, waxayna ka badan yihiin dadka Mareykanka u dhashay ee Ingiriiska ay luuqadooda hooyo u tahay.

Tarjumaanka luqadaha ma noqon doonaa mid mustaqbal fog lehLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDadka wax turjumo talow mustaqbalkoodu waa sidee?

Casrigan la joogo waxaa horumar laga gaaray fahanka luqadaha kala duwan, koombiitarka wax tarjumo iyo aaladaha ogaan kara codadka ayaa qofka u sahli kara inuu luqaddiisa uu ku hadlo , kaddibna qalabka wax turjumo ugu gudbiyo qof kale.

Xilligan la joogo, haddii aad doonayso inaad samayso ganacsi caalami ah mise howl kale, hadaadan aqoon u lahayn luqadda Ingiriiska dhibaata ayaa la kulmaysa, inkastoo ay xaaladaha si deg deg ah isku baddalayaan.


Wonkyum Lee oo ah saynisyahan u dhashay Kuuriyada Koonfureed kuna sugan jaamacadda Stanford ee California ayaa samaynaya aalad casri ah oo wax turjumi karta sidoo kalena ogaan karta codadka taaso dadka macaamisha ka caawin doonto goobaha ganacsiga. Waxaana ku adkaan doonto dadka inay kala fahmaan inay la hadlayaan qof ban'aadam ah amaba koombuutar.

Luuqadda Ingriiska ay ku hadlaan dadka ku nool Hindiya ayaa la yirahdaa Hinglish halka dalka Bangladesh looga yaqaano Benglish.

luqadda Ingiriiska ayaa isabaddal ku yimid illa waaggii suugaan yahan ChaucerLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionluqadda Ingiriiska ayaa isabaddal ku yimid illa waaggii suugaan yahan Chaucer

Luqadda Ingiriiska ayaa si wayn looga isticmaala dunida gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo Britain, balse hadda waxaa sare u kacaya awoodda dhaqaalaha ee Shiinaha islamarkaasna saamayn ku haya luqadda Ingiriiska.


Dalka Mareykanka waxaa kus oo badanaya goobaha lagu barto luqadda Shiinaha, sanadkii 2015-kii waxaa lagu soo warramay in tirada ardeyda baranaysa Luqadda Shiinaha ay laba laabantay muddo laba sano gudahood.

Dalka Uganda, dhammaan Iskuulada sare ardeyda waxaa lagu baraa luqadda Ingiriiska, waaliddiinta dalkaasina carrurtooda luqaddan ayay u baraan sidii afkooda hooyo oo kale.

Meelo badan oo dunida ah luuqadda Ingriiska waxaa lagu tiriyaa inay tahay basaaboorka guusha.