Madaxweyne Siilanyo oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Qarabadii uu Ka Baxay Marxuum Aadan Maxamed Wiilad

0
Wednesday August 27, 2014 - 18:49:42 in by Super Admin
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Qarabadii uu Ka Baxay Marxuum Aadan Maxamed Wiilad

    Warsaxafaadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxafaadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu yidhi sidan:

27/08/2014

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxayMarxuum Aadan Maxamed Wiiladoo ku geeriyooday27/08.2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Dawladihii kala danbeeyey ee Somaliland, markii ugu danbaysayna ahaa Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, wakhtigii Daahir Rayaale kaahin xukunka hayey.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.