Xoghayihii Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Dr Fadal Oo Is Casilay

0
Thursday August 28, 2014 - 10:54:29 in by Hargeysa Office
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayihii Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Dr Fadal Oo Is Casilay

    Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey xisbigaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey xisbigaas
 oo muddooyinkii u dambeeyey uu ka mid ahaa xubnaha udub-dhexaadka u ah dhaq-dhaqaaqyada mucaaradnimo. 

Dr Fadal waxa uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey qoraal uu u gudbiyey madaxda xisbiga, taas oo uu ku sababeeyey inay la xidhiidho Arrimo shakhsi ah oo uu xusay inay saamayn ku yeesheen hawlihii iyo masuuliyaddii uu xisbiga u hayay. Dr Fadal waxa uu meesha ka saaray inay jiraan wax khilaaf ah oo uu shaqada iyo xubinimada xisbiga uga tagay.

Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay dhinaca hoggaanka xisbiga oo xaqiijinaya in laga aqbalay is-casilaadda uu siyaasigani u gudbiyey xisbiga, sidoo kale ma jirto faahfaahin intaas dheer oo lagu sababeeyey inuu ka ruqsaysto isla markaana gebi ahaanba isaga baxo xisbiga.

Haseyeeshee ilo-wareedyo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee Dr Fadal iyo halka uu salka ku hayo is-casilaadda, ayaa tibaaxay inuu jiro saluug siyaasadeed oo Aqoonyahani ku saluugay mucaaraddada xisbiga Waddani oo inta badan lagu eedeeyey inuu dhinaca saaxadda siyaasadda booskiisa beddelay kaalintii uu xisbiga UCID kaga jiray saddexda Xisbi Qaran ka hor intii aanay qabsoomin doorashadii dib loogu furay Ururrada iyo axsaabta siyaasadda. Dr Fadal oo ay isku beel ka soo jeedaan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa wararku intaas ku dareen inuu ka biyo-diiday siyaasadda aan weji loogu tago lahayn ee guddoomiye Cirro oo lagu dhaliilo inuu kala saari waayey danihiisa shakhsiyeed iyo danaha siyaasadeed ee xisbigan.

Dhinaca kale, warar kale oo Shabakadda Wararka ee Caalamigaa QoryaaleNews ka heshay ilo-wareedyo dhinaca xukuumadda ah, ayaa tibaaxay inuu jiro xidhiidh hoose oo dhexmaray Xubno wasiirro oo ay isku beel yihiin Dr Fadal oo la sheegay inuu mansab ka rejaynayo xukuumadda.

Warku waxa uu intaas ku daray inuu safka hore kaga jiro liis wasiirro cusub ah oo madaxweyne Siilaanyo magacaabi doono Isku-shaan-dheyn muddooyinkii u dambaysay fagaareyaasha siyaasadda laga hadal-hayey, kaas oo la rejaynayo inuu madaxweynuhu dhowaan oodda ka qaado. 

Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka mid ah siyaasiyiiinta Xisbiga ugu cad-cad dhinaca mucaaraddada ee inta badan ka hadli kari dhaliilaha xukuumadda, haseyeeshee lama garanayo nooca shaqada ka mashquulisay hawlihi uu xisbiga ka qabanayey, inuu noqon doono siyaasi madax-bannaan iyo inuu isaga baxo saaxadda siyaasadda.

Contact@afkashacabka.com