Madaxwayne Siilaanyo Oo Gola Yaasha Qaranka Iyo Xisbiyadda Ka Codsaday Inay Soo Xulan Xubana Cusub Ee Bedalaya Komishanka Dorashooyinka Ee Wakhatigoodu Dhamaaday.

0
Thursday August 28, 2014 - 16:16:42 in by salman abdi
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Gola Yaasha Qaranka Iyo Xisbiyadda Ka Codsaday Inay Soo Xulan Xubana Cusub Ee Bedalaya Komishanka Dorashooyinka Ee Wakhatigoodu Dhamaaday.

    Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa go'aansaday inuu kala diro guddiga doorashooyinka qaranka oo uu wakhtigoodu ku eegyahay bisha soo socota ee Oktoober ee sannadkan. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa go'aansaday inuu kala diro guddiga doorashooyinka qaranka oo uu wakhtigoodu ku eegyahay bisha soo socota ee Oktoober ee sannadkan. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida ay ilahaasi Geeska Afrika u sheegeen, wuxuu Madaxweynuhu shalay dhambaal u qoray labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, kaas oo uu kaga dalbaday inay soo magacaabaan labadooda xubnood ee u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka ee bedeli doona guddiga xilligan. Sidoo kalena wuxuu golaha guurtida ka dalbaday inay iyaguna soo magacaabaan labadooda xubnood.

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa ka kooban 7 xubnood oo saddex ka mid ah uu Madaxweynuhu magacaabayo, halka labana ay xisbiyada mucaaradku soo xulayaan, guurtiduna waxay soo xuli doontaa laba xubnood.

Dadka siyaasadda rog-roga ayaa aaminsan in weftigii ka socday wadamada taageera dimuqraadiyadda Somaliland ay Madaxweyne Siilaanyo culays ku saareen in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan ama wakhtiga loo cusboonaysiiyo, mar haddii uu wakhtigoodii ku eegyahay bisha Oktoobar, waana sababta keentay go’aankan Madaxweyne Siilaanyo.

Weftigan qaadhaan bixiyayaasha oo sidoo kale la kulmay Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa culays saaraya in la dardar geliyo hawlaha doorashada oo ay ugu muhiimsantahay diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashada oo ay xisbiyada mucaaradku aaminsanyihiin inay xukuumadu ka war-wareegayso.

Labada xisbi mucaarad ayaa xalayba bilaabay xubnaha ay doonayaan inay u metelaan guddiga doorashooyinka qaranka, waxaana soo baxaya magacyada shakhsiyaad kala duwan. 






Contact@afkashacabka.com