Cisbitaalka Weyn Ee Hargaysa Ayaa Caawa La Ciir Ciiraya Kumaan Kun Qof Iyo Cutubyo Ciidanka Amaanka Ka Mid Ah Oo La Dhigay Albaabka Cisbitaalka.

0
Monday March 03, 2014 - 05:53:52 in by London Office
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cisbitaalka Weyn Ee Hargaysa Ayaa Caawa La Ciir Ciiraya Kumaan Kun Qof Iyo Cutubyo Ciidanka Amaanka Ka Mid Ah Oo La Dhigay Albaabka Cisbitaalka.

    dhacdadan ayaa hadal haynteeda aad looga hadal hayaa magaalada hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhacdadan ayaa hadal haynteeda aad looga hadal hayaa magaalada hargaysa





















- Dadweyne aad u tiro badan ayaa galabta ilaa caawa buux dhaafiyay cisbtaalka weyn ee magaalada hargaysa oo la keenay meydka gabadha la dilay. Cisbitaalka ayaa la ciir ciiraya kumanaan kun oo qof oo u yimid in ay ka war halaan ama ay xog ka helaan dhacdada dilkan foosha xun ee ka dhacay xaafad kamid ah hargaysa . Alle ha u naxatiiste marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa maanta meydkeeda laga helay guri ku yaal xafada News Hargaysa oo lagu xabaalay usbuuc ka hor sida la sheegay, waxaana meydkeeda maanta la dhigay qolka meydka ee cisbtaalka weyn. Dhanka kale cisbtaalka ayaa waxaa la keenay cutubyo ka mid ah ciidanka amaanka oo dadka ka celinayay in ay gudaha u galaan, dadkan ayaa doonayay in ay galaan cisbitaalka si ay usoo arkaan meydka gabadha la dilay Haddaba dhacdadan ayaa hadal haynteeda aad looga hadal hayaa magaalada hargaysa waxay dadka qaar sheegayaa in dhacdadan oo kale aanay hore u arag intii ay noolaayeen. Si kastaba ha haatee falkan ayaa ah mid anfariir iyo tacajub ku noqotay dadka intii maqashay waxayna ay noqonaysaa dhacdo ugub ah oo aan hore u dhicin.