Qurba-Joogga Gobolka Gabiley iyo Kaalinta uga bannaan Horumarinta Gobolka -(Qayb. 2-aad)by Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka Gabiley)
Qurba-Joogga Gobolka Gabiley iyo Kaalinta uga bannaan
Horumarinta Gobolka -(Qayb. 2-aad)
W/QORTAY: Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi
(Golaha Degaanka Gabiley)
Dhammaan Akhristayaasha Sharafta iyo Qadarinta iga mudan
waxaan dhammaantiinba idinku salaamayaa Salaanta Islaamka.
Guud ahaanba Qurba-Joogga reer Somaliland kaalin
lama-illaawaan ah ayey ku lahaayeen welina ku leeyihiin dib u dhiska iyo
horumarinta dalkeena, doorkooduna waa mid aan la iska indho-tiri karin. Laga
bilaabo heer Qoys, heer Tuulo, heer Degmo, heer Gobol illaa heer Qaran;
Qurba-Jooggu waa kuwa waqtigan xaadirka ah la isku dhaafay. Shaki kuma jiro
arrintaas. Maantana horumarka ka socda Degmooyinka iyo Gobollada dalkeena Jam.
Somaliland waxaad si cad uga dareemaysaa arrintaa iyada ah oo si weyn u
muuqata. Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu si dhab ah ugu hawlgalaan ee ay si
wadajir ah ugu guntadaan horumarkiisa, wuu ka horreeyaa dhinac walbaGobolkii ay Qurba-Jooggiisu hagradeen.
(Afeef: Marka aan ka hadlayo waxtarka, saamaynta iyo kaalinta
ay Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarka dalka iyo dadka JSL; yaan marnaba loo qaadanin
ama aan loo fikirin inaan Qurba-Joogga buun-buuninayo oo aan huwinayo magac iyo
humaag aanay lahayn Qurba-Jooggu, isla markaana aan abuurayo dareen ama fikir dhiirri-gelin kara Tahriibta. Waxaan aaminsanahay in Tahriibtu tahay aafo Qaran oo
xanuun iyo dhibaato badan ummaddeena ku haysa. Anigu qof ahaan si aan xadlahayn
baan uga soo horjeedaa cid kasta oo ku dhaqaaqda, ama dhiirri-gelisa amaba
taageertaTahriibta).
Qaybtii 1-aad ee maqaalkaygan waxaan ku soo sheegay inaan qof ahaan is leeyahay, malaha
Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley sidii la rabay ugamay qayb-qaadan ama
ugumay hawlgalin inay wax ka qabtaan baahiyaha baaxadda leh ee ka jira Gobolka
Gabiley. Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqay Ragga Qurba-Joogga ah ee u
dhashay Gobolka Gabiley. Dabcan, marnaba may ahayn ujeedadaydu
inaan Ragga Qurba-Joogga ah ee Gobolka Gabiley si gaar ah u bar-tilmaansado ama
dhalliil aanay lahayn dusha ka saaro. Nuxurka iyo ujeedada aan arrintan ka lahaa waxay ahayd baraarujin aan Ragga
Qurba-Joogga ah ee reer Gabiley ku dhiirri-gelinayey oo aan ku lahaa: "Waxaad
tihiin gadh-wadeenkii iyo hoggaankii Bulshada Gobolka Gabiley, gudaha iyo
dibeddaba, ee waxaa la idiinka baahan yahay inaad garataan kaalinta idiinka
bannaan inaad si dhab ah ugu guntataan Horumarinta Bulshada ku nool Gobolka
Gabiley.”
Qaybta 2-aad ee maqaalkaygan waxaan jeclaan lahaa inaan
ku sii ambaqaado aragtidayda aan ku falanqaynayo kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga
Gobolka Gabiley iyo sidii ay uga hawl-gali lahaayeen Horumarinta
Gobolka Gabiley.
Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu
hodansan JSL marka dhinacyo badan laga eego. Ha noqoto tiro dad iyo
aqoon, dalagga beeraha, duunyada xoolaha, iyo khayraadka dabiiciga ahba. Dhinaca
kale, Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu dakhliga badan ee
Qaranka JSL u soo xereeya cashuuro badan oo hawlaha qaranka lagu maamulo.
Gobolka Gabiley waxa ku yaalla Irridda
Ganacsiga Geeska Afrika ugu
muhiimsan (Tog Wajaale), taasoo ah halbawlaha ganacsiga u kala gudba JSL iyo
dalweynaha Itoobiya. Waxaa intaa dheer, Gobolka Gabiley waxa ku yaalla Xarunta Kastanka Kalabaydhka oo ah marrinka ugu weyn uguna muhiimsan ee uu maro
Qaadka ku socda Somaliland iyo Soomaaliya.
Haddaba, iyadoo arrimahan kor ku xusan oo dhammi ay yihiin
kuwo xaqiiqo ah, Gobolka Gabileyna lagu tiriyo Gobollada ugu dakhliga badan leh dalka, haddana waxaan
dareensanahay inay jiraan baylaho iyo baahiyo ballaadhan oo xagga horumarka bulshada ah oo ka jira dhammaanba
degmooyinka iyo tuulooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gabiley. Su’aasha in si
dhab ah la isku weydiiyo mudani waxa weeyi:
Gobol hodan ah oo leh kaabayaashii ilaha dhaqaalaha oo
dhan, isla markaana uu u soo hoydo dakhli badani, maxaa u sabab ah inuu haddana
ka qatanaado oo uu sidii la rabay u dabooli kari waayo baahiyihii aasaasiga
ahaa ee bulshada Gobolka ku nool (sida: waxbarshada, caafimaadka, maal-gashiga,
wax-soo-saarka beeraha, dhallinyarada, fursadaha shaqada, iwm)? Jawaabta su’aashani waxay u baahantahay in si deggen oo aad
u cilmiyeysan looga jawaabo, si muuqaal dhab ah looga helo arrimaha saldhigga u
ah in Gobolka Gabiley uu ku liito xagga horumarka bulshada. Sidaa darteed,
aniga aragtidayda jiyo awaabta aan ka bixin lahaa su’aashan waxaan jeclaan
lahaa inaan u dhigto (Insha ALLAH) qaybaha dambe ee maqaalkaygan taxanaha ah.
Qofka ka shaqeeya horumarka bulshadiisa wuxuu gutay/ ama
ay gudatay qayb ka mid ah xilkii bulshada ka saarnaa. Gudashada xilka bulshadu
waa waajib saaran qof kasta oo bulshada ka mid ah, laakiin qofkii ay garashadu
hagto ayuun baa garta oo ku baraaruga. Horumarka bulshadu wuxuu ka bilaabmaa
marka qof (shaqsi) uu garto waajibka iyo xilka ka saaran naftiisa iyo intii
kale ee uu ALLAH masuul uga dhigay. Danta bulshaduna waxay camirantaa marka
uu iskaashi dhab ahi dhex maro shaqsiyaad iyagu ka soo baxay masuuliyaddoodii
qof iyo qoys, dabadeedna u jeesta xilkii ka saarnaa bulshadooda.
Gobol walba wuxuu ku tamariyaa hadba siday bulshadiisu (Qurba-Joog
iyo Qaran-Joogba) uga shaqeeyaan horumarkiisa. Haddii aad tihiin Qurba-Joogga u
dhashay Gobolka Gabiley waxa laga yaabaa inay jiraan waxyaabo badan oo idinka agtiina
aan qiimo badan ku fadhiyin balse bulshadiina waxtar weyn u leh. Waxaan
aaminsanahay inay jiraan waxyaabo badan oo aad ummaddiina ka caawin kartaan
dhan kasta oo ay tahayba. Tusaale ahaan, waxaad ku nooshihiin waddamo hore u
maray oo aad ka hesheen waayo-aragnimo iyo khibrado dheeraad ah; waxaad soo
kordhin kartaan xirfado, aragti iyo fikir cusub oo
lagu dabbaqi karo horumarinta Bulshada ku nool Gobolka Gabiley.
La soco Qaybta 3-aad ee Maqaalkan,
Wa Billaahi Tawfiiq,
Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka Gabiley)
nimcoqaran@gmail.com
Qurba-Joogga Gobolka Gabiley iyo Kaalinta uga bannaan Horumarinta Gobolka -(Qayb. 2-aad)by Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka Gabiley)
Marka aan ka hadlayo waxtarka, saamaynta iyo kaalinta ay Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarka dalka iyo dadka JSL; yaan marnaba loo qaadanin ama aan loo fikirin inaan