Xulka England Oo Laga Yaabo Inay Ka Guuraan Garoonka Wembley 2018ka.

0
Thursday October 09, 2014 - 11:41:00 in by salman abdi
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka England Oo Laga Yaabo Inay Ka Guuraan Garoonka Wembley 2018ka.

    iyo Ciyaar Yahanka Wayne Rooney Oo Wacad Ku Maray Inuu Jabin Doono Rikoodhkii Sir Bobby Charlton iyo weliba Jorge Mendes oo ka dayriyey in Ronaldo ku laabto Man United

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Ciyaar Yahanka Wayne Rooney Oo Wacad Ku Maray Inuu Jabin Doono Rikoodhkii Sir Bobby Charlton iyo weliba Jorge Mendes oo ka dayriyey in Ronaldo ku laabto Man United

Wayne Rooney ayaa sheegay inuu noqon doono xiddiga abid ugu goolasha badan xulka England.Kabtanka Rooney ayaa dhaliyay 41 gool, waxaana uu sideed gool ka danbeeyaa rikoorka Bobby Charlton ka hor kulanka caawa ee isreebreebka Euro 2016 ee ay la ciyaarayaan xulka taagta daran ee San Marino.

RooneyEng_3094203

Waxa uu xitaa ka sarre mari karaa caawa Jimmy Greaves, isagoo u dhaqaaqi kara seddexda xiddig ee ugu goolasha badan xulka England haddii uu seddexleey ka dhaliyo xul aan tartan caalami ah guul gaarin.

Rooney ayaa yiri: "Aniga ayay ii talaa inaan kawada sarre maro. Waxaan dareemayaa inaan awood u leeyahay inaan sidaas sameeyo.

"Waxaan arkay muuqalada Jimmy Greaves iyo dabcan Bobby Charlton. Seddex gool ayaa u jiraa Jimmy. Waxaana ay ii ahaan laheyn shaarf weyn, waxaana rajeynayaa inaan sameeyo sidaas.

"Kalsooni ayaan ku qabaa nafteyda, waxaana rumeysanahay inaan sameyn karo laakiin kulanka ayaa ka muhiimsan inaan dhaliyo afar ama shan gool.

"Marnaba kuma fekerin markii aan ku soo biirayay xulka England inaan noqon doono gooldhaliyaha ugu fiican.

"Wax weyn ayay ii noqon doontaa, waxaana ku faani doona qoyskeyga. Waxaan rajeynayaa in maalin uun aan halkaan soo fariisan doono anigoo jabiyay rikoorka.”

Halyeeyga Man United Charlton ayaa dhaliyay 49 gool, halka Gary Lineker uu dhaliyay 48 gool.



Jorge Mendes: Ma Dhaceyso In Ronaldo Ku Laabto Man United.

Wakiilka saameynta badan Jorge Mendes ayaa sheegay inay mustaxiil tahay in Cristiano Ronaldo uu ka tago Real Madrid, xitaa haddii ciyaaryahanka laga jecel yahay Manchester United.

ee20f25de7d10fae5f00c4550349e069_crop_north

Wargeyska Daily Mail ayaa ku waramaya in wakiilka ciyaaryahanka Jorge Mendes wareysi uu siiyay Spanish TV inuu ku sheegay in CR7 uu ciyaaraha kaga fariisan doono Real Madrid, inkastoo United ay dhankiisa ka tahay koox qalbigiisa ku weyn.

Waxaa hore loo warinayay in United ay u baahnaan doonto 140 milyan ginni si Ronaldo ay ugu soo celiso Old Trafford, inkastoo wargeyska Daily Mail u sheegayo in lacagtaas ay ku adkaan laheyd kooxda ka ciyaarta Premier League.

Jorge Mendes ayaa ah nin miisaan culus ku leh kubada cagta gaar ahaan suuqa kala iibsiga, isagoo ahaa wakiilkii lacag badan jeebka ku shubtay xagaagii ka dib markii uu sameeyay saxiixyadii ugu waa weynaa ee xagaagii.

Xulka England Oo Laga Yaabo Inay Ka Guuraan Garoonka Wembley 2018ka.

England ayaa laga yabaa in kulamada martida loo yahay ay ku ciyaarto garoomo kala duwan oo Ingariiska ku yaala wixii ka bilowda 2018 haddii koox ka ciyaarta horyaalka kubada Mareykanka ee NFL ay xarun ka dhigato Wembley.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ciyaaro kubada cagta ah ku qaban kara garoonka ilaa iyo 2017ka, laakiin waxa ay doonayaa in koox ka ciyaarta NFL oo ah kubada xooga ah ee American Football inay ka bedesho lahaanshaha xuquuqda garoonka.

England ayaa ku soo ciyaartay Old Trafford, Villa Park, Stadium of Light, St James Park, St Mary’s iyo Leicester ka hor inta aan dayactir lagu sameynin Wembley 2007dii.

Wembley_Stadium,_illuminated

Kulankii ugu danbeeyay ee ay England ku martigeliso xul kale garoonka Wembley waxa ay aheyd kulankii saaxiibtinimo ee Norway waxaana soo xaadirtay tiro aad u yar oo ah 40 kun taageerayaal ah.

Markii ugu danbeysay ee taageerayaal tiro yar ay kulan heer caalami ah soo xaadiraan garoonka cusub ee Wembley waxa ay aheyd 2011 kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayeen Sweden, markaasoo ay soo xaadireen 48 kun taageerayaal ah.

Taas bedelkeeda, kulankii ugu horeeyay ee seddex kulan oo NFL ah oo lagu qabanayo Wembley sannadkan 2014, oo u dhaxeysay Miami Dolphins iyo Oakland Raiders, waxa ay soo xaadirtay 83 kun taageerayaal ah.

Labada kulan kale ee ka hadhay in lagu ciyaaro Wembley waa kulamada Atlanta Falcons v Detroit Lions iyo Jacksonville Jaguars v Dallas Cowboys – tikidhadoodana waaba la sii wada iibsaday, iyadoo qiyaas ahaan ay kulan walba ka soo xaroon doonto 3 milyan ginni.



Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com