Ma Dhabba Faysal Cali Warabe ayaa la kulmaya Cali Khalif Gallaydh oo Dawladda itobiya ka saartay Dalkeeda

0
Thursday October 23, 2014 - 12:51:01 in by salman abdi
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabba Faysal Cali Warabe ayaa la kulmaya Cali Khalif Gallaydh oo Dawladda itobiya ka saartay Dalkeeda

    Dowladda dhexe ee dalka Ethiopia ayaa Amartay inuu Dalkeeda si deg deg ah Uga Baxo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda dhexe ee dalka Ethiopia ayaa Amartay inuu Dalkeeda si deg deg ah Uga Baxo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh
 
oo Shir Looga hadlayay Arrimaha Federaalka kaga Qayb Galayay Magaaladda Addis ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.


Cali Khaliif Galaydh ayaa La sheegay in aanu Dalkaasi Ku Tagin Martiqaad Rasmi ah oo ay dowladda Ethiopia Ugu Ogolaatay dalkeeda Balse waxa La sheegay inuu Martiqaadka uu Ku Tagay Dalkaasi uu Lahaa urur Lagu Magaacabo Horn Economic and Social policy Institute(HESPI) oo qaban qaabinayay Shir Looga Hadlayay Arrimaha Federalka Somaliya.

Ilaa Hadda Lama Oga Sababta Dhabta ah ee Ka Dambaysa Masaafurinta dowladda Ethiopia ay dalkeeda Ka Masaafurisay Mudane Cali Khaliif Galaydh Balse Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa la sheegayaa inuu Kulan Maanta Magaaladda Addis ababa Kula Yeelanayo Cali Khaliif Galaydh Ka hor inta aan Dalka Laga Masaafurin Cali Khaliif Galaydh, lama garanayo ujeedad iyo waxa ay ka wada hadlayaan labada masuul.

Contact@afkashacabka.com