Pellegrini Oo Ka Xun Guul Daradii Kasoo Gaartay Wigan Sheegayna Inay Garaaci Doonaan Barcelona.

0
Monday March 10, 2014 - 07:50:16 in by Super Admin
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pellegrini Oo Ka Xun Guul Daradii Kasoo Gaartay Wigan Sheegayna Inay Garaaci Doonaan Barcelona.

    Tababaraha kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa ka hadlay guul daradii caawa kasoo gaartay kooxda Wigan Atheletic isagoona sheegay inuu aad uga xunyahay kana murugaysan yahay inay ka haraan koobka FA Cup-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa ka hadlay guul daradii caawa kasoo gaartay kooxda Wigan Atheletic isagoona sheegay inuu aad uga xunyahay kana murugaysan yahay inay ka haraan koobka FA Cup-ka.
Pellegrini ayaa intaa siiraaciyay in kooxdiisa ay cashar kabaratay guul daradii caawa isagoo sheegay inay wadada guusha ku soo laaban doonaan kulanka Barcelona ee Champions League wuxuuna sii raaciyay inay awood u leeyihiin inay garaacaan Barcelona.

Pellegrini oo saxaafada la hadalay ciyaarta kadib ayaa yiri "Waxaan dareemaynaa niyad jab badan waayo nooma suuro galin inaan ka guulaysano Wigan oo aan gaarno Semi Finalka koobka”.

"Waxaan helnay 3 ilaa 4 fursadood oo aan goolal ku dhalin karnay kagana adkaan karnay Wigan laakiin ugama faa,idaysan sidii larabay, Wigan waxay heleen laba fursadood wayna ka faa,idaysteen”.

Manuel Pellegrini ayaa ku soo gaba gabeeyay "Waxaan ku jirnaa xili uu dhamaad ku sii dhawyahay xili ciyaareed ka, laakiin waxaa muhiim inoo ah inaan ka soo kabsano oo aan mar kale dib ugu soo laabano wadadii guulaha iyo inaan hilmaano wixii dhacay oo aan wax kabarano”.

Waxaa waajib ah inaan aadno Barcelona oo aan kasoo kabsano guul daradii naga soo gaartay kulankii lugta koowaad iyo inaan ku sii jirno tartnka Champions League, waana awood naa inaan sidaas samayno, anagoo og inay adagtahay”.

Kabago had iyo jeer ciyaraha ka jiara Dunida  
shabakada Afkashacabka
ccontact@afkashacabka.com