Lama filaan!!!!! Sheeko Gaaban ....Guur aan ka la'aado gabadh qurba jooga!
Lama filaan!
Guur aan ka la’aado gabadh qurba
jooga!
Nolosho waa meerto.waagii beryaba warbaa
daraan.mushkilad dhaqaale, mid qoys mid, wax-barasho,mid dadka iyo dalka ka
jirta,intuba , wareegga nolosha:waa qaar ku lammaan.meertokasta oo marxalad aad
ku jirto;waa mid ladhakeeda iyo legdankeeda leh.
xus iyo
dareen ayay laabta ku reebta oo aad waayo ka sheekayso.meertooyinka
noloshou;waa wax dabiiciya ama alle gartay markuu dunida iyo inta ku nool
jaangoyay.ma’aha wax dad gaari ay maraan.
Caruurnimadaydii
iyo gaashaan-qaadkaygii:garaadkaygu mar
ba meel ayuu taagnaa,mar kubadda cagta ayaan jeclaa,mar waan necbaa.mar waan ka
saahiday intaasba oo wax-barasho ayaan u hub-qaatay.gugii kuu kordhaba hadddaan
garaad ku kordhin,ille nolosha guul kama gaadhid!.
Gugii 15aad
markaan ku jiray,waxaan naftayda ka
dareemay ‘ is-bedel’
Is-bedeladan
nafsiga ah ee aan arkay waxaan ka xusi karaa ‘haasaawaha iyo jaceylka’.waagaas
laabtayda ayuu haasaawuhu aad u xadantayn jiray.caadooyin badan oo aan jeclaa
ayuu xayiraad iga saaray marka laga
reebo ‘wax-barashada’.dhaqano cusub ayuu ibaray.daabeecado kale ayuu igu
abuuray.saaxiibo cusub ayaan bartay.dhaqanada iyo caadooyinkaas jaandheerta iga
dhextumanayay,waxa safka hore kaga jiray ‘jacayl’.hablaha gashaantiga ah ee
quruxda iyo xishoodka alle ugu deeqay ee geyiga soomalida gobolkasta jooga gaar
ahaan intii markaas degaankayga ka sheegnayd.asli,haboon,caasha;waa hablihii ka
ka sheegnaa deegaanka waagaas,tolow maanta maxay ku sugan yihiin?!.
Niwaliba
laabta waxa uu ka jeclaa adiga ayaa u dhigma?,anna ka mid ayaan ahaa!. Hal dhib
ayaa jiray oo I hortaagnaa markasta oo aan tamaniyo in aan inanta dookhayga ah la haasaawo,hal arin ayaa
laf dhuun-gashay igu noqday. Tolow muxuu ahaa waxaasi?.asxaabtayda markaan la
joogo gaar ahaan xilliyada kaftanka,waxaan ka ahaa ragga laga dambeeyo, laakin
,markaan jeclaysto in aan inan la haasaawo ‘ayaa dabku iga dhici
jiray!’.asxaabtayduna igu carin jireen " car hebla la hadal” oo miyaan ku dhiiran karaa!?.nin la careeyay
ceebi uma hadhin!.xaalkaygu se aakhirkii is-bedel.haddii aan ka cabsoon jiray
,hadda ku dhiiraday.
waagaas
waxa aroostay saaxiibkay rumaad ‘yaxye’. Arooskii ka dib,ayaan galab jimce ah
,soo booqday saaxiibkay.waxaan imi gurigiisii inkastu yar maqnaa laakin
dumaashiday oo ahayd inan qurux ,dabeecad iyo kaftan kulansatay ayaa guriga
joogtay.bariido ka dib,kaftan ayaanu is-waydaarsanay.waxaan ka xasuustaa
kaftankeedi;
"axmedow,habluhu
markay wiilasha xamanayaan qaarba wax ayay ku xantaan,adiga waxa lagugu
xantaa;wiil han-wayn”
"dumaashi,adna
miyaad la qabta?”
"haa… waayo
imisa hablood ayaan kuu soo bandhigay inaad la hadasho”
"dee
dumashii ku waasi dookhayga may ahayn”
"arinkaas
lagugu xanto malaha waxba ka jira hadda axmedow?”
"maya..dumaashii
ee hadda maxad haysaa”
"haddaa…
hablihii…”
"hee… maxa
a ku dhacay”
"waxba kuma
dhicin laakin,badan koodi waa la guursaday,illee waadigii diiday e,markaa waxna
hayaa dhowr hablood oo kale”.
Intaas
markay tidhi ayaan aad u farxay oo aan haddana waydiiyay, "yaa ka mid ah,magacyadooda”
"axmed,diyaar
ma tihide,maad iska dhaaftid magacyadooda?”
"dumaashii
diyaar waan ahay e adiga wax lee ii sheeg”
"ka waran
,hebla iyo hebla”
Intaas markay
tidhi ayaan naftayda ku idhi, " waxaan islaha waxay kuu sheegi hablo yurub iyo
markan jooga”.markaas ayaan maqlay iyadoo igu leh, " axmed.waadiga aammusay
e waad ka heshay maaha?”
"maya”
"ma inan
ayaad jeceshahay axmedow?”
"maya
dumaashi ,ma jeceli”
" bal
dokhaaga I sheeg?”
"dumaashi…
anigu ma jecli hablaha dalka jooga,mana xiiseeyo”
"haddaa ma
hablaha qurba-jooga ah ayaad jeceshahay?”
"afkaaga
caano lagu qabay! Dumaashi,hadda ma wax kale?”
Intay aad u
qososhay ayay tidhi. " calafkaaga ilahay ayaa qoray laakin dalka hablo wacan oo
aqoon leh ayaa jooga,waxaan kugu la talin lahaa ka faa’aadayso axmedow”
" waa fikir
fican dumaashi laakin,wakhtigan guurka waxa uu ku jira habalaha qurba-jooga ah
waayo markaad guursato way ku dhoofin,ka dibna waxaad noqon qurba-joog,laba
wiil oo aanu is ku fasal ahayn dugsigi sare ayaa guursaday hablo ay family
yihin oo qurbajoog ah,guurkii ka dib way dhoofeen ,wax-barashadina maalintii ay
hablahaas guursadeen ayaa ugu dambaysay,dumaashi
haygu habsaamin hablaha dalka
jooga,gaastari ayaan ka qaadayaaye!”
"warbaad la
timi oo wax ma haysa markaa”
" 5 sano ayaan
raadinaayay.weli waxba ma hayo.internetka kama kaco,xilliga shaqada iyo fasaxa
sku si ayaan u adeegsada! Welina carmal ama garoob kama helin!”
"oo garoob
haddii aad hesho ma guursan lahayd!?”
"haa.waan
guursan laha,waayo passport ayay haystaa”
"dee aniga….”
"hee.hadal
ka I dhamaystir ,ma waxbaad haysa?”
"inaadeertay
oo laba nin oo hore soo furtay ayaan garanayaa oo soo degtay bishii hore”
"war farxad
leh ayaad I sheegay wallahay!!”
"laakin
anigu kulama jecli inaad guursato gabadha ama aad ku degdegto guurkeeda.wiil dhalinyaro ah ayaad tahay,shaqo
fican ayaad haysataa.gayaankaa ayaa meelkasta dalka jooga markaa waxaan kugula
talin lahaa inaad fikirkaas ka noqoto”
"dumaashi
waxaas iska dhaaf ,waxaan ka codsanayaa inaad isoo barto?”
" anigu
kulama jecli laakin haddii aad haari ku tahay waan ku bari waayo iyada ayaa iga
codsatay in aan wiil u soo raadiyo markaas waa inoo berito”
"mahasanid”
ka dib waan baxay anigoo lay moodo inlaygu bushaareeyay in aan dunida ‘boqorka
noqdo’.
Xilligii
ballantu ahayd ayaan gurigii imi anigoo ka soo hordhacay!.hal todobaad oo
barasho ah ka dib arooskaygii ayaa qabsoomay.aroos aad u qiimo badan oo wixii
aan lacag hayay u huray! .todobabixi ka dib,xaaskii way dhooftay.anigana waxa
iga guuxaya,goormaad dhoofi? Ma bilaha soo socda? ,mise sannadka dambe?
Laga
bilaabo ,wakhtigii ay dhooftay, waxa kasoo wareegtay in ka badan 3 sano.maalin
dib uma soo jaleecin wiilkii lacag wuxuu haystay u horay iska daa in ay
dhoofiso e.qoyskaygii iyo asxaabtadiiy way igu wada dayriyeen arinkan anna waan
ku dayriyay bilawgii, laakin, waan garwaaqsaday! Goor aan si walba u
jabay.hablihii sheegana beri hore ayaa la wada guursaday oo ay gaysh caruur ah
dhaleen!anna goormaad dhoofi ayaa wakhtigii igaga lumay!!?.
Qore: bashiir raacdeeye
Burco-somaliland
Lama filaan!!!!! Sheeko Gaaban ....Guur aan ka la'aado gabadh qurba jooga!
meertooyinka noloshou;waa wax dabiiciya ama alle gartay markuu dunida iyo inta ku nool jaangoyay.ma'aha wax dad gaari ay maraan.