MA HAL KAA DEDAN BAA?", 1, 2, 3. Maxamuud Axmed Oday
SC Dhammaan Mareegaha iyo Akhristeyaasha sharafta leh. Dad badan baa qofba si iigu soo fal-celiyay. Qaarkood waxay yidhaahdeen, waxaannu aragnay laba qaybood. Qaar kale waxay yidhaahdeen, qayb keliya ayaannu aragnay. Markaa waxaan jeclaystay Geeraarkii oo dhammays-tiran inaan idiin soo celiyo. Waana mahadsan tihiin
1.Geeraar Waa Ku Ducayso
2.Ama Waa Iska Daa;
3.Ama waa Duulal Colloobiyo;
4.Digo Hoos Ka Caddaatoo;
5.Dadku Ruux Aanu Jeclaysani;
6.Uu Daboolka ka qaadiyo;
7.Dakkanooyin Is-jiidhay;
8.Dawadooda Ku Raadi;
9.Ama Waa Iska Daa;
10.Amase Waa Deeqa haweenoo;
11.Damac-guur iyo Caashaq;
12.Duunka Aad Ka jeclaatay;
13.Ammaanteeda Ku Daabac;
14.Ama waa Doolaalow faraskaagiyo;
15.Darmaantaada Ku Faani.
16.Ama Waa iska Daa ;
17.Afartaa Arar Daalacanoo;
18.Damiim uu Wax ku qaatoo;
19.Damiirka kiisa wanaagsanina;
20.Aanu Diidi Karayn iyo;
21.Diiwaan aan furay ii dhig;
22.Anigoon Kuba Daalinoo;
23.Daftar Aan ku Xariiqinoo;
24.Docogaysan Midhaa oo;
25.Beryo Aan Ducanninoo;
26.Xarfo aan Isla Doonan;
27.Aan Dareersho Warkaygee;
28.Afar kale Wayga Duruus;
29.Afarna Wayga Dareen;
30.Afarna Wayga Dan Guud;
31.Afar Wayga Duruuse;
32.Sahankaad Diratay iyo;
33.Hawirkaad Ku Dullaashiyo;
34.Axmedow[1]Reerka Dareeriyo;
35.Degaanta aad Ku Hayaantee;
36.Dabadeed Aad Ku Hungowday;
37.Inaanay Duugba Lahaynoo;
38.Dimuqraadiyadayntu;
39.Dugsiba aanay lahaynoo;
40.Dabkeediiba Bakhtiyayoo;
41.Dambaskeeduba seexdayoo;
42.Degelkeedi Abaadayoo
43.Dugaaggu uu ku Qadhaabtoo;
44.Dulliga Loogu Adeego;
45.Ma Hal Kaa dedanbaa?
46.Dulmigan aad ka xanaaqdiyo;
47.Dabataysiga Ceebtiyo;
48.Dumarkoo Ragga Jiidhiyo;
49.Gaaladoo La is Daba-taagaa;
50.Dimuqraadiyadayntiyo;
51.Doorashooyinkan Jaan iyo,
52.Dastuurkuu la socdaaye;
53.Ma Hal Kaa Dedanbaa?
54.Dadka oo Kala Guuriyo;
55.Deriskoo Is-Collaystoo;
56.Dabka Aan Kala Qaadaniyo;
57.Dudmo oo Lagu Raagiyo;
58.Dubayow iyo Ciil iyo;
59.Gacal aan Is Deyayniyo;
60.Xigaal Aan Is Dawaysani;
61.Dimuqraadiyadayntiyo;
62.Doorashooyinkan Jaan iyo
63.Dastuurkuu la Socdaaye;
64.Ma Hal Kaa Dedanbaa?
65.Ragga oo Darayooboo;
66.Damiirku uu ka Dhinto iyo;
67.Dumarkoo is Aroostiyo;
68.Ubadkoo Dayacmaa;
69.Dimuqraadiyadantiyo
70.Doorashooyinkan Jaan iyo
71.Dastuurkuu la Socdaaye;
72.Ma Hal Kaa Dedanbaa?
73.Dadka oo Nabad Seexdoo;
74.Dabadeed nabad Toosoo
75.Darar Xoolaha Maaliyo;
76.Doogsin Rays Ka Arooriyo;
77.Cadligoo Dalka Gaadhiyo;
78.Duudsigoo La Illaawiyo;
79.Xumaan oo dhan La Duubaa;
80.Daliilkii Nebigeenniyo;
81.Diinteennay Ku jirtaaye;
82.Ma hal kaa Dedanbaa?
83.Afartaasi Wayga Duruus;
84.La Soco.
85.Afarna Wayga Dareene;
86.Dulmigaad Ka Xanaaqdiyo;
87.Dixdii Eelkaba keentay;
88.Axmedow Waad ka il-Duuftee;
89.Doonta Aynu ku Joognaa;
90.Dakhalkeedu Qalloocaayoo;
91.Diiraddeedii Hallawdayoo;
92.Dawladdaynu Dhisayniyo;
93.Dimuqraaddiyaddaa;
94.Dariiqiiba ka leexdayoo;
95.Dabayluu Ruxayaane;
96.Ileyn kaama Dednee;
97.Tixdaada maad ku Dartid?
98.Hal kale wayga Dareene
99.Daartaa Oogada cawlanee;
100.Duddumo Haadi ku Xaartiyo;
101.Digo Aboodi la moodiyo;
102.Odaygaa Dugsanaayiyo;
103.Kuwaa Uu Diranaayiyo;
104.Eeddadaa Dahabo;
105.Inta aanad Duqaynin;
106.Dastuurkan aad U Riyaaqdayee;
107.Dadkeennii is Nacsiiyee;
108.Duuduubka aad ku liqday;
109.Duqeennii Ooga Madoobiyo;
110.Kii Khurduum laga Doonee;
111.Ay isku Diinta ahaayeenbaa;
112.Sidii uu Daayin Abiid;
113.Dunida uu ku Negaan;
114.Dawaar uun ugu Gooyee;
115.Ileyn kaama Dednee;
116.Tixdaada maad ku Dartid?
117.Hal kale wayga Dareene
118.Soon-gurkaa Degdegaaya iyo;
119.Ilaa Dawriga Aarka iyo;
120.Dugaag oo dhan warkiisa;
121.Horaa La isugu Daastoo;
122.Dayo waa ta u Fiicanoo;
123.Midhkaa la iskuma Diidine;
124.Ilaamaa Toban Dayrood;
125.Dawacuun baad ku rarrayde;
126.Ma waxbaa kuu Daban Xaajiyoo?
127.Duur-xul bay kaa tahayoo;
128.Doc kalaad ku waddaayoo
129.Dubaaqooyin Horeetiyo;
130.Dakharro ay Dhigtaybaa;
131.Doogtoodii hurgumootoo;
132.Hoosta ay ka Dillaacday?
133.Hal kale wayga Dareene;
134.Mid aan Duunyo ahaynoo;
135.Duur-joogna Aan ku Aroorinoo;
136.Dad sawaaban la moodaa;
137.Waa Daayeerkii Wagareedoo;
138.Dalaahoodhsane Weyd ihi;
139.Dur-durkuu Ka cabbaayo;
140.Marka uu ka Dareero;
141.Inta uu Dib u jeestuu;
142.Dabadeed ku hunqaacaa;
143.Arligoo Dhan Diqeeyaa;
144.Berrina Waa Dalan-dooloo;
145.Darkiyo Goobtuu Dorraato;
146.Dabadiisa Ku Maydhuu;
147.Maatada Soo Dul-tubaayuu;
148.Mar labaad ka Dur-duurtaa;
149.Ileyn Kaama Dednee;
150.Tixdaada maad ku Dartid?
151.Dalaahoodhsane Weyd ihi;
152.Dalag aad loo Dhawrayoo;
153.Haramihii Laga Deebshoo;
154.Ood weyn lagu soo Deyray buu;
155.Guradaa kaga Daataayoo;
156.Gebigiisaba Diirtaayoo;
157.Duhurka uu ka fulaayoo;
158.Da’ yartiisiyo caydigu;
159.Kolka ay Dibbiraanna;
160.Cunuhuu ka Dig siiyaa;
161.Wixii ay Dal-daleen;
162.Marka ay soo Dallacaan;
163.Isaguunbaa Dib u quutoo;
164.Sidaa aan kaba Daaline;
165.Ileyn kaama Dednee;
166.Tixdaada maad ku Dartid?
167.Mise waadan Danaynoo;
168.Adigoo Deel U Higaadshaad;
169.Haddana Daal u Waddaayo;
170.Dantaaduun baa ku shiddoo;
171.Wadaantaad Darsanaysee;
172.In Laguu Yara Diiday;
173.Adigu Aad Ku Dacwootay baa;
174.Dabuubtaadu u Jeedday?
175.Afartaasina wayga Dareen;
176.Afarna Wayga DAN GUUD;
177.Afarna Wayga DANGUUDE;
178.Axmedow Duud Kayn ah;
179.Dusha Ruuxa ka Eegee;
180.Daaqsin Geel ka Hilaadshaa;
181.Dugulkeeda madoobi;
182.Derrin aan La Marayn iyo;
183.Derbibay Ula muuqane;
184.Haddiise uu ku Durkoo;
185.Dacalkeeda is taago;
186.Dalalawsin Bannaaniyo;
187.Dal-dalool buu Arkayaa;
188.Haddii Aanu Is Diidsiin;
189.Damalna wuu Arkayaaye;
190.Dudduntaynu dhisaynana;
191.Adigaa Daar u maleeyee;
192.Derged baa Ka Wanaagsane;
193.Dalbo hayska Lahaatee;
194.Waryaadha mays Dugsannaa?
195.Hal kale wayga DANGUUDE;
196.Dayra-dhaafka Nugaaleed;
197.Laba ruux oo Debad seexday
198.Doc baa Kood-ba Bannaanoo;
199.Dhaxantu ay Ka Daf-leedehee;
200.Waryaadha Mays Dugsannaa?
201.Hal kale Wayga DAN GUUDE;
202.Ninka Daalo ku Joogiyo;
203.Darar-weyniyo Eexiyo;
204.Darantii Sin-carro iyo;
205.Dalsankeeda Wiriir iyo;
206.Daba-buurdhaab iyo dhooddi;
207.Derrintii War-idaad iyo;
208.Dididbkii Ceel-dhaabiyo
209.Dulla-gaalliyo Cayniyo;
210.Dixdaa Weynee Qoryaaliyo;
211.Daad-madheedh iyo Xaaxi;
212.Duuddaa Buurta Gudban iyo;
213.Dooxadaa Gubanka iyo;
214.Baddoo Soo dabarta;
215.Madal-weyn iyo Daadhi iyo;
216.Dameero-boob iyo Qooddiga;
217.Iyo Duriyoo ka Saraysa;
218.Dadkii Eebbe ku Uumay
219.Markii Laysu Dilaayey;
220.Ama Layska Dilaayey;
221.Ama Laysku Diraayey;
222.Dorraatuunbay Ahaydoo;
223.Dawlad Taam ihi Yeelkeede;
224.Dakharadii Baa weli Muuqdoo;
225.Jeer-ba aan la Dawayne;
226.Haddayse Maanta is Diiddo;
227.Ama ay kala Doosho;
228.Dulin aanad Filayniyo;
229.Doolli bay Dhalaysaayoo;
230.Dib inay u Heshiisiyo;
231.Dawadeedaa lagu Raagiye;
232.Waryaadha Mays Dugsannaa?
233.Doc baan kaa Tusayaaye;
234.Iyadaan isku Duulinoo;
235.Deeble-Geel Kala Qaadin;
236.Dhiigna aan iska Daadin;
237.Demeshna aan kala Boobin;
238.Haddii Dawladda Hoosiyo;
239.Dumarku ay kol Murmaan;
240.Ama lays yar Danqaabo;
241.Dahabshiil Baa lagu Yaacaa;
242.Shiid Dam-taa laga saaraa;
243.Daaqadaa laga Goostaa;
244.Bal maxaa lagu Doortayee;
245.Dadba looga Astaystay?
246.Hal kale Wayga DANGUUDE;
247.Duhurkii ka Riyoodiyo;
248.Kuwaa aad Dalbanaysiyo;
Social Media
Related Items
Daawo:Maayir Mooge oo daah furay dhisme cusub oo laba dabaqa oo ay leedahay xafada axmed macalin haarun
20/04/2024 - 15:03:51Daawo: Wasiir Maxmed kaahin oo dumarka u sheegay in kufsiga ku dhaca hablaha ay haddana hooyooyinku sii daayaan innamada loo xidho kufsiga
09/03/2024 - 15:16:18Daawo; WAsiir Maxmed kaahin oo ka hadlay buugaag uu sheegay in cay lagu qorey oo laso bandhigay
05/02/2024 - 14:17:16Daawo "Wixii Awoowyaasheen ka Dagaalameen ayaa Sellad lagu Qaaday oo Itoobiya laga Iibiyay" Muj Axmed Mire
02/01/2024 - 20:22:19Daawo: Madaxweyne xasan sh maxamuud muxuu ka yidhi heshiiska somaliland iyo itobiya?
02/01/2024 - 20:08:18Daawo:Madaxweynaha Kenya Oo Sagootiyey Safiirkii Hore Ee Somaliya Maxamuud Tarsan Fuaad Gureey
16/11/2023 - 10:54:25Daawo:Kursigaa Sidaad Ku Hanan Lahaydeen Wadadeeda Mara Hadii Kale Garxajisoow... " Suldan Axmed
15/09/2023 - 19:47:34Daawo:Aaska Marxuum Axmed Aadan Cismaan (Axmed Madoobe) oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska
14/09/2023 - 10:45:20 Most Popular Items
MA HAL KAA DEDAN BAA?", 1, 2, 3. Maxamuud Axmed Oday
SC Dhammaan Mareegaha iyo Akhristeyaasha sharafta leh. Dad badan baa qofba si iigu soo fal-celiyay. Qaarkood waxay yidhaahdeen, waxaannu aragnay laba qaybood. Qaar kale waxay yidhaahdeen, qayb keliya ayaannu aragnay. Markaa waxaan jeclaystay Geeraark