Shan Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Barcelona Iyo Manchester City Caawa.

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:32:35 in by Super Admin
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Barcelona Iyo Manchester City Caawa.

    Manchester City ayaa caawa lugta labaad ee wareega 16ka Champions League Camp Nou kula ciyaareysa Barcelona iyadoo lugtii hore ee Etihad Stadium looga soo badiyay 2-0.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa caawa lugta labaad ee wareega 16ka Champions League Camp Nou kula ciyaareysa Barcelona iyadoo lugtii hore ee Etihad Stadium looga soo badiyay 2-0.

Manchester City ayaa caawa lugta labaad ee wareega 16ka Champions League Camp Nou kula ciyaareysa Barcelona iyadoo lugtii hore ee Etihad Stadium looga soo badiyay 2-0.

Waxaana eegi doonaa shan meelood oo ay labadaan kooxood ku guuleysan karaan ama ku guuldareysan karaan.

Gerard Pique v Sergio Aguero

Aguero ayay tahay inuu ku soo bilowdo kulankaan haddii ay City dooneyso inay wax uun ka hesho kulanka caawa ee Camp Nou.

Waxa uu orod badan yahay, dhaqdhaqaaqiisana waxa ay dhibaato rasmi ah ku noqon kartaa Barcelona, waxaana xiiso lahaan doonta in la arko haddii uu ku soo bilaaban doono booska gooldhaliyaha ama booska gooldhaliyaha labaad.

Shaqada Gerard Pique ayaa ah inuu waqti ku filan iyo boos ku haboonba isa siiyo si uu u maareeyo dhaqdhaqaaqa iyo orodka Aguero.

Sergio Busquets v Yaya Toure

Toure ayaa noqon doona ciyaaryahanka khadka dhexe ee City ay fiirsan doonto inuu Barca ku burburiyo aragtidiisa dheer iyo awoodiisa jir ahaaneed.

Yaya Toure ayaa qaab ciyaareedkiisa ugu fiican soo bandhiga marka xor laga dhigo, xaqiiqda ahna in City ay weerar noqon doonto caawa halkii ay difaac ka geli laheyd madaama ay goolal raadinayaan ayaa siineyso xiddiga reer Ivory Coast xoriyad uu ku dhaqdhaqaaqo.

Busquets ayaa ah caadiyan burburiyaha khadka dhexe ee Barcelona, taasoo la micno ah inuu noqon doono ciyaaryahanka u xilsaaran inuu xakameeyo Toure.

 

Cesc Fabregas v Fernandinho

Fabregas ayaa ah ciyaaryahanka adduunka ugu fiican marka ay timaado dhaqdhaqaaqa khadka dhexe isagoo mar walba diyaar isaga dhiga inuu baasas helo.

Haddii Fernandinho uusan taxadar muujinin islamarkaana u ogolaado xiddigii hore ee Arsenal inuu sameeyo sidii uu doono, Fabregas ayaa tayo ku felin u leh inuu kubado helo islamarkaana goolal dhaliyo si la mid ah fursado u abuuro asxaabtiisa.

Neymar v Pablo Zabaleta

Haddii Neymar uu ku soo bilowdo kulankaan markaas waxa uu ka ciyaari doonaa garabka bidix oo ah boos uu City u daafaca Zabaleta.

Awooda Neymar uu u leeyahay inuu kubada helo iyo farsamadiisa sarre ayaa ka dhigeysa in Zabaleta uu u baahan yahay inuu dishibiliin lahaado si uu uga fogaado inuu caalamado ku qaato xiddiga reer Brazil.

Lionel Messi v Vincent Kompany

Messi ayaa kulankaan ka dhigi kara waqti kasta mid lagu kala baxo.

Waa xiddig cajaa’id ku leh weerarka kaasoo aan marnaba joojinin inuu dhaqdhaqaaqo, waxaana uu dhaawaci karaa City ilbiriqsi kasta.

Kompany ayaa u baahan inuu diirada saaro ciyaarta, islamarkaana uu fiirsado dhaqdhaqaaqo Messi kaasoo ka faa’ideysan kara boos kasta oo looga baneeyo daafaca.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com