Wenger Oo Ku Eedeeyay Robben Inuu Istuurtuuro wakhtiga ciyaarta, Iyo Robben Oo u jawaabay

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:40:41 in by Super Admin
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wenger Oo Ku Eedeeyay Robben Inuu Istuurtuuro wakhtiga ciyaarta, Iyo Robben Oo u jawaabay

    Xiddiga Bayern Munich Arjen Robben ayaa u sheegay Arsene Wenger inuu u dhaqmo si qiimo leh ka dib markii uu tababaraha Arsenal ku tilmaamay xiddiga reer Holland inuu yahay istuurtuure weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Bayern Munich Arjen Robben ayaa u sheegay Arsene Wenger inuu u dhaqmo si qiimo leh ka dib markii uu tababaraha Arsenal ku tilmaamay xiddiga reer Holland inuu yahay istuurtuure weyn.

Xiddiga Bayern Munich Arjen Robben ayaa u sheegay Arsene Wenger inuu u dhaqmo si qiimo leh ka dib markii uu tababaraha Arsenal ku tilmaamay xiddiga reer Holland inuu yahay istuurtuure weyn.

Robben ayaa dib isaga weeraray Wenger ka dib markii kooxda Jarmalka ay wadar ahaan 3-1 kaga talaabsatay Arsenal wareegii 16ka ee Champions League, iyadoo lugtii labaad oo ku dhamaatay barbaro 1-1 ah oo Robben ku guuleystay rigoore xilli danbe.

Rigoorada waxaa badbaadiyay Lukasz Fabianksi, laakiin Wenger ayaa weeraray xiddiga reer Holland ciyaarta ka dib taasoo keentay in jawaab adag ay ka soo baxday Arjen Robben.

Robben ayaa yiri: "Waxaan mar walba dhahaa marka aad tahay tababare weyn baro sida loo aqbalo guuldarrada, haddii aad badiso ku riyaaq, laakiin haddii aad guuldareysato haka cabanin waxyaabo nacasnimo ah.

 

"Waxa ay aheyd labo rigoore laakiin ma rabo inaan shaqsiyadeyda difaaco.

"Madaama uu yahay tababare weyn waxaan ka filanayay wax intaan ka badan.”

Inkastoo Arsenal ay qaab ciyaareed isbiirit leh soo bandhigtay, Wenger ayaa ka cawday istuurtuurka Robben kaasoo labo rigoore ku guuleystay labadii lug ee wareega 16ka.

Wenger ayaa yiri: "Waa istuure aad u fiican, laakiin xaalkiisa waa sidaas. Robben waa ciyaaryahan fantastik ah laakiin uma baahna inuu sidaas sameeyo. Isagaa ciyaaryahan horgalaaya isaga ayaana istuuraya.”



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com