Aqoon-yahan Cismaan Saalax Faarax Oo Burco Ku Soo Bandhigay Buugaag Uu Qoray

0
Monday March 17, 2014 - 12:54:39 in by Super Admin
  • Visits: 1813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon-yahan Cismaan Saalax Faarax Oo Burco Ku Soo Bandhigay Buugaag Uu Qoray

    Qoraaga oo wax ku bartay qaar ka mida dalalka Bariga dhexe sida Suuriya iyo Kuwayt, isla markaana dagaalo tariikhiya oo dalalkaa ka dhacay qaarkood goobjoog ka ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraaga oo wax ku bartay qaar ka mida dalalka Bariga dhexe sida Suuriya iyo Kuwayt, isla markaana dagaalo tariikhiya oo dalalkaa ka dhacay qaarkood goobjoog ka ahaa Aqoon-yahan Cismaan Saalax Faarax Oo Burco Ku Soo Bandhigay Buugaag Uu Qoray

 

 

Aqoon-yahan Cismaan Saalax Faarax oo ka mida aqoon-yahanka Somaliland ee qurbaha ka soo noqday xiligana ku nool magaalada Burco ayaa mudooyinkii u dambeeyey waxa uu ku hawlanaa qoritaanka buugaag badan oo uu qaarkood soo bandhigay.

Qoraaga oo wax ku bartay qaar ka mida dalalka Bariga dhexe sida Suuriya iyo Kuwayt, isla markaana dagaalo tariikhiya oo dalalkaa ka dhacay qaarkood goobjoog ka ahaa, ayaa waxay sababtay in dhacdooyinkii uu goobjooga u ahaa inuu wax ka qoro isla markaana bulshada Af-soomaliga ku hadasha uu wax badan uga iftiimiyo isagoo ku soo bandhigay buugaag uu qoray, isla markaana lagu siiyay shahaado sharafyo ay siyeen Naadiyada dadka qoraalka u ehelka ah.

Qoraaga oo dhawr Buug soo bandhigay qaar kalena hada ku hawlan ayaa Bugaagta uu ilaa hadda soo bandhigay waxa ka mida Buug la yidhaahdo Gobaanimo oo aqoon-yahanku aad ugaga sheekeeyay dhacdooyiinkii halgankii SNM tariikhiga ahaa, halgamaagi reer Liibiya ee Cumar Mukhtaar oo uu isku mataaneeyay dhacdooyin is shabaha oo shacabka Somaliland iyo ka Liibiya ay ku sameyeen Keligitaliye Mussolini Madaxweyni Talyaani ee xiligaa iyo Janankii Macangaga aha ee uu wakiishay Xasuuqa Shacabka Liibiya waa Jananar Graziani iyo Xasuuqi uu kaligii taliye Siyaad Barre ku sameeyay Shacabka Somaliland, waxaanu tilmaamay in dhacdooyinkaasi ay meelo badan iska shabahaan oo qoraagu tusale uga soo qaatay duqaynti shacabka Hargeysa ee Diyaaradi Kaligitaliye Siyaad Barre ee 1988 oo ahayd arin bahalnimo ah iyo duqayntii diyaarada Talyaaniga ee magaalada Liibiya ee Kufra 1930.

Qoraaga oo ka hadlaya daahfurka Buugaagta u qoray ayaa sheegay inuu is tusay inuu da’yarta Somaliland uga faa’iideeyo qoraaladan isla markaana sababta uu dhacdooyinkan isugu mataaneeyay ay tahay inay bulshadu ogaato dhibaatooyinka laga dhaxlo axmaqnimada iyo Kaligitalisnimada isla mar ahaantaana uu dayaarta ku bararujinayo wadaniyadu waxay tahay iyo umadu dhibaatooyiinka ay u soo mareen.