"Waar Ninka Qabyaaladda Ku Faanaya Ama Kibraya, Reerka Uu Doono Ha Noqdee Cagta Mariya"

0
Friday January 02, 2015 - 16:59:08 in by salman abdi
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waar Ninka Qabyaaladda Ku Faanaya Ama Kibraya, Reerka Uu Doono Ha Noqdee Cagta Mariya"

    Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan isla-markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiiru-dawlaha Maaliyadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan isla-markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiiru-dawlaha Maaliyadda,

 Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa doraad kulan gaar ah la yeeshay Madax-dhaqameedka gobolka Togdheer qaarkood, waxaana laga wada hadlay ilaalinta nabadgalyada iyo sidii bulshada gobolkaasi door ugu yeelan lahaayeen horumarka dalka.

Kulankaasi oo ay ka hadleen Wasiirrada xukuumadda ee booqashada ku soo maray gobolka Togdheer, Maamulka Gobolkaasi, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdheer iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Badhasaabka Togdheer, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa isaguna sheegay "Gobolka Kormeer baan ku soo maray, tuulo aan wax laga qaban oo gobolkan ahi ma jirto, sidoo kale tuulo ka mid ah gobolllada Somaliland ah oo aan wax laga qaban in aanay jirin ayaan aqoonsanahay”ayuu yidhi.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa isaguna Madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ugu baaqey "Haddaad Madax-dhaqameed tihiin, haddaan waxgarad tihiin iyo haddaad ganacsato tihiin, waxaan leeyahay dulinka lama dugsado oo dadnimo la’aanta lama dugsado, waxaan leeyahay nabadgalyada Somaliland baa ku dhisan, Magaaladeennaa ku dhisan, gobolkkeenna ku dhisan, waar ninka qabyaaladda ku faanaya ama ku kibraya, reerka uu doono ha noqdo cagta mariya ayaan idin leeyahay”ayuu yidhi.

 


 

Gabogabadii shirkaasi waxa ka hadlay isla-markaana si qoto dheer uga hadlay muhiimadda nabadgalyadu u leedahay dadka iyo dalkaba Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isaguna yidhi "Nabadgalyada ilaalinteeda la iskuma khilaafsana, laakiin ficil ha loo beddelo oo nimanka dhallinyarada ah ee tan (Burco) iyo waddankaba qaska ku wada meel ha looga soo wada jeedsado, si ammaankana loo sugo, dhallinyaradana edaabtooda loo sugo wax ha laga qabto”

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay "Shilimaadka yar ee cashuurta ah ee dadka laga qaado ayuu dalku ku socdaa, oo suurto-gelisa ammaan iyo maamul ba iyo haddey horumar tahayba. Ururinta la ururiyey ayay wax ku noqotay (Wax ku tartay), markaa haddeynu caawimadeenna aynu isku geysanno oo ayn ku biiranno hadba meeshii ku haboon, haddii ay tahay dabkaa laga cabanayo, hadday tahay caafimaadka tahay, xashiishka iyo wixii u baahan in wax laga qabto waxbaa inooga qabsoomaya. Shilin ama laba laba shilin oo la isku daray ayaa laga yaabaa inay wax badan ku qabsoomaan, markaa yeynaan odhanin dawladda ayaanu ku haleynay (Hawlahaasi) aynu hareeraha qabanno oo ka shicib ahaan aynu xoog iyo xoolaba aynu kala qayb-qaadanno, si aynu horumarkaa u taabbo gelinno”ayuu yidhi


Contact@afkashacabka.com