AAFO KADARAN QAADKA

0
Thursday February 06, 2014 - 08:51:55 in by Super Admin
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AAFO KADARAN QAADKA

    Hadaad tahay qof caqli usaaxiiba waxad markiiba isha ku dhu fandoontaa waxyaabo wax badani kaaga soo baxayaan hadaad hoos ugu fiirsato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaad tahay qof caqli usaaxiiba waxad markiiba isha ku dhu fandoontaa waxyaabo wax badani kaaga soo baxayaan hadaad hoos ugu fiirsato

Aan ku bilaabo anoo waynaynaya magaca ilaahay(xumo oodhan ka nasahnaaye) waxa mahad oo dhami ugaar tahay allahaa qaadirkaa ,

Hadaan inta kaga imaado mahad celinta alle waxaan inta badan maqlnaa hadaynu nahay bulsho waynta soomaaliyeed in iyadoo waalidka wiil uu dhalay uu yeesho balwad (qaad & sigaar IWM) ay aad ucanaantaan wiilkaa iyagoo indhaha ku haya dhibaata qaadka dareensana waxyeeladiisa , hadaba waxa taa barabar taal iyadoo loo amaano dhaliintarada dhigiisa ah ee kubadda ciyaarta (ciyaartoy) ,

Bal hadaba akhriste waxaad is agdhitaa wiilka qayila iyo ciyaartoyga maanta !

Hadaad tahay qof caqli usaaxiiba waxad markiiba isha ku dhu fandoontaa waxyaabo wax badani kaaga soo baxayaan hadaad hoos ugu fiirsato ,

MUQAYIL: waxaynu ku tiraabnaa qofka magacaa sita  shaqsiga caadatsay ama si joogta ah u isticmaala cunida  geedka loo yaqaan  JAADKA  waxa aad u karahsata inta aanay isku fiicanayn cunidiisa waxa uu aad u dhibaa dadk noocaas ah ee guri kula nool qofka muqayilka ah  , qoyska uu la noolyahay hadaan cidkale lawadaagin isagaa loo necbyahay  waxaad moodaa  in lagu eegayo il gaara oo aad looga fogaanayo  isagoo ah qof katirsan xaafada  dhinaca kale wiilkii walaalkii ahaa ciyaartoyga ahaa wuu kawanaagsan yahay muqayilka  kale  dhankastood ka eegtaba ( dhaqanka, cibaadada , waxbarashada  IWM) waa sida ay aaminsantahay  dhamaan  bahda aan qayilin ,  

 

Hadaba waxaad moodaa barayahan danbe in wax wayni  iska badaleen  dhaqankeenii wanaagsanaa ama suubanaa qofba waa siduu uyaqanee  waxa meesha ka baxay caadadii fiicnayd ee uu lahaa wiilka ciyaartoygii waxa aad mooda in isna  uu marayo wado  kaluminaysa sharaftii uulaha isagoon taa dareensanayn  waxa uu haysta wadiiqo halisa taasi oo samayn karata dhamaan  umadaha kaladuwan  ee xiiseeya  ciyaaraha  iyo inta isaga taageertaba , taageeraduba waa taan u golleeyahaye  waata maanta  sobobtay inaan labadan wiil is barbardhigo'e! .  

TAAGEERO:  waxa aynu  u naqaan magacan marka aad shay jeceshay lala tartansiiyo mid dhigiisa ah adna aad u badato ama aad codkaga siiso kaad rabtay ama jeclayd ,

Waxa isawaydiin mudan yaa mudan inuu qafka muslimkii taageero  ?

Waa cidii wanaajinaysa naftiisa aakhiro iyo aduun labadaba,

Wiilkii ciyaartoga ahaa waxa uu taageeray nin uu  ka helay ciyaar wanaagiisa kaasi oo  isku dayaya inuu  hanto dhaamaan quluubta  umadaha kala duwan ee dawanaya meelkastooy dunida kajogaan  si uu u dhaxaliiso  mabaadiida uu aaminsanyahay sida   dhaqankiisa,diintiisa, &fikradaha macnawiga ah ee nololeed  ,  taasi oo uu  u kasbaday  cagtiisa  inay hir gashana  adaa u fududeeyey ciyaartoy !!!

Suuqyadeena ama dhamaan goobaha bulshadu iskugu timaad waxa  waxaad ku arakaysaa  ninkii hebel  eed taqaany  ee ciyaartoyga ahaa oo badalmay  ?  

Waxa uu noqday hawo raac  taasi  oo qalbigiisa uu dareensiiyey inuu gaadhay heerkii udanbeeyey  ee uu marayey  ninka uu taageeraha u ahaa oo aad moodo inuu ku noolyahay  dhaqabkii  hebel (waa nin taageero )   waxa uu noqday mid aan kamaarmin ku dayashada hebel , waxa uu  madixiisa u xiirtaa  si aad ka naxayso waxaabad mooda  dhoorkii digaaga xaga labiskana hadalkiisa daa isagoo sidaasa ayuu kugula so tukanayaa masjida isagoo cawradiisii qaybi muuqato marka uu cibaada gudanayo,                 waxa uu badalay dhamaan dhaqanadii islaamiga ahaa waxaanu qaatay dhaqanada khariban ee laynoogasoo gudbimayo warbaahina kaladuwan ee aduunka  ,

hadaba waxa isawaydiin mudan  labadan wiil kee maanta ku sugan marxalada aad looga naxo ?

Waxa waalidiinta kaladuwan ee soomaaliyeed aan leeyahay  markaad inbadan waad u fiirsatay  qaab nololeedka wiilkaaga muqayilka ah  bal hadaba maanta waxaad u fiirsataa madaxa wiilkaaga ciyaartoyga ah .

TALO  :-

Walaakayga musalina ahaw ka dhawrso inaad  ku dayato dad aydaan isku dhaqan iyo diin ahayn  waayo  waakii nabigeena muxamed ahi (nnkh)  qofkastaa waxa uu la macayahay cida uu kudaydo

 

AHMED ISAMAIL"GASHANLE"

cawaddd@outlook.com  

063-4478437