Tahriibayaashii ugu Badnaa ee Gaadha Xeebaha Talyaaniga oo Bileyska Dalkaasi Badbaadiyey

0
Monday February 16, 2015 - 16:00:48 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaashii ugu Badnaa ee Gaadha Xeebaha Talyaaniga oo Bileyska Dalkaasi Badbaadiyey

    Ciidamada dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyey tiro lagu qiyaasay ilaa 2000 oo tahriibayaal ah kuwaas oo doonyihii ay saarnaayeen dul sabaynayeen badwaynta Meditarian-ka ee u dhaxaysa wadamada Talyaaniga iyo Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyey tiro lagu qiyaasay ilaa 2000 oo tahriibayaal ah kuwaas oo doonyihii ay saarnaayeen dul sabaynayeen badwaynta Meditarian-ka ee u dhaxaysa wadamada Talyaaniga iyo Liibiya.


Tabhriibayaashan ayaa la sheegay inay saarnaayeen ilaa 12 doonyood oo kuwaas oo ka soo shiraacday dalka Talyaaniga labada maalmood ee ugu danbeeyey, iyada oo xeebaha bada Mediterian-ka ay ku dhinteen ilaa 300 oo qof tahriibayaal ah todobaad ka hor.

Hawl galkau lagu badbaadiyey tahriibayaashan ayaa noqonaya kii ugu balaadhnaa ee ay ciidamada dalka talyaanigu qaadaan sanadadan, iyada oo ay ka qayb galeen diyaarado, maraakiib, doonyaha dheereeya kuwaas oo hawl galka fuliyey ka dib markii tahriibayaashu ay codsadeen in la badbaadiyo.

Ciidamada dalka Talyaaniga ayaa tahriibayaashan ka soo bad baadiyey meel 80-km u jirta xeebaha waqooyi ee dalka talyaaniga, iyada oo warbaahinta dalkaasina ay sheegtay in dadka tahriibayaasha ah oo u badan caruur iyo dumar la geeyey qaar ka mid ah xeryaha qaxoontiga ee dalkaasi.

 

Tahriibayaasha ku qulqulaya dalka Talyaaniga ayaa labadii sano ee aynu ka soo gudbnay waxay ahaayeen kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo UNHCR ay ka dhawaajisay in sannadkii lasoodhaafay oo keliya ay ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya 3,000 oo ruux oo tahriibayaal ah.


Contact@afkashacabka.com