Diyaaradaha Dalka Masar Oo WeeraroDuqayn Ah Ku Qaaday Goobaha Ay Ku Suganyihiin Xarakaadka Liibiya Ee Daacish Xidhiidhka La Leh.

0
Monday February 16, 2015 - 23:21:02 in by salman abdi
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dalka Masar Oo WeeraroDuqayn Ah Ku Qaaday Goobaha Ay Ku Suganyihiin Xarakaadka Liibiya Ee Daacish Xidhiidhka La Leh.

    Iyaaradaha dagaalka ee Masar ayaa duqeyn cirka ah ka geystay magaalada Derna ee bariga dalka Libiya, saacado kadib markii Koox Islaamiyiin xiriir la leh Daacish ay sii deysay muuqaalka ilaa 21-ruux Masiixiyiin reer Masar ah oo la gowracayo.Madaxweyna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyaaradaha dagaalka ee Masar ayaa duqeyn cirka ah ka geystay magaalada Derna ee bariga dalka Libiya, saacado kadib markii Koox Islaamiyiin xiriir la leh Daacish ay sii deysay muuqaalka ilaa 21-ruux Masiixiyiin reer Masar ah oo la gowracayo.Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa goor sii horeysay sheegay inay ka aar-gudan doonaan kooxihii falkan geystay.



Telefishinka dawladda Masar ayaa soo sheegaya in goobaha la bartilmaameedsaday ay ka mid ahaayeen saldhigyo ay ku tababartaan, bakhaaro hub ku keydsanaa iyo bartilmaameedyo kale, waxaana dowladda Libiya ay sheegtay inay gacan ku siisay Masar weerarkaas. Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu qaado Islaamiyiin xiriir la leh Daacish oo lagu beegsado dalka Libiya, marka laga soo tago weerarada cirka ah ee Suuriya iyo Ciraaq ka dhaca.

Masar ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah kooxahan mintidiinta, waxaana Madaxweynaha Masar uu kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha ammaanka. Masar iyo Libiya ayaa ah labo dal oo deris ah, iyadoo Libiya wixii ka dambeeyay 2011 ay ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeyay islaamiyiin iyo ciidamo uu hogaaminayay Jeneraal hore.




Contact@afkashacabka.com