Wasiirka Madaxtooyada iyo wefti uu hogaaminayey oo mashaariicdii ugu badnay Saaka Soo dhagax dhigay Degmada Warcimraan iyo Tirada Mashaariicda la dhagax dhigay +SAWIRO

0
Thursday March 27, 2014 - 18:29:27 in by Super Admin
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada iyo wefti uu hogaaminayey oo mashaariicdii ugu badnay Saaka Soo dhagax dhigay Degmada Warcimraan iyo Tirada Mashaariicda la dhagax dhigay +SAWIRO

    Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiiradii la socday ayaa Degmada warcimraan kala kulmay soo dhoweyn diiran oo aad u sarraysa, waxayna markii u horeysay dhagax dhigeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiiradii la socday ayaa Degmada warcimraan kala kulmay soo dhoweyn diiran oo aad u sarraysa, waxayna markii u horeysay dhagax dhigeen

Wasiirka Madaxtooyada iyo wefti uu hogaaminayey oo mashaariicdii ugu badnay Saaka Soo dhagax dhigay Degmada Warcimraan iyo Tirada Mashaariicda la dhagax dhigay +SAWIRO


Wefti Ballaadhan oo uu horkacayey Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan oo ay Xubno ka ahaayeen, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Wasiirka Cafiimadka Saleban Xaglatoosiye, Wasiirka Beeraha Faarax Geedoole, Wasiirudawlaha Maaliyadda Cisman C/lahi Saxardiid Cadaani, Wasiiirduwlaha waxbarashada  Axmed Nuur Faahiye, Xildhiban Cali Xasan Maxmed Mareexaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Cafimadka, Agaasimaha Guud eeWasaarada Maaliyadda, Taliye Xigeenka Booliska C/raaxman Liiban Fooxle, Maamulka Gobolka Togdheer, Maamulka Degmada Burco , Salaadiin, iyo Haween ayaa saaka si ballaadhan loogu soo dhoweeyey Degmooyinka Qoryaale iyo warcibraan.


Xildhiban Cali Mareexaan ayaa Deeq qalab Ciyaareed ah (Sports) guddoonsiiyey maamulka dugsiga Qoryaale iyo masuliyiinta waxbarashada ee heer Degmo, waxana halkaas ka hadlay Xildhiban Cali Mareexaan, iyo Badhasabka Togdheer Maxmed Muse diriye, waxanay deeqdaasi qalabka ah ee isugu jirta, Dhar, Kabo iyo kubbado ku wareejiyeen masuliyinta waxbarashada degmada qoryaale oo ay sheegeen in la xoojiyo sports kooda lana dhiirigeliyo si degmadu sannadaha danbe qayb uga noqoto tartanada cayaaraha gobolada.


Intas kadib waxa weftigu u sii gudbay Degmada war cimraan oo saaka laga dhagax dhigay  9 mashruuc oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee xukuumada madaxweyne siilaanyo sannadkan ka fulinaysay degmooyinka Dalka.


Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiiradii la socday ayaa Degmada warcimraan kala kulmay soo dhoweyn diiran oo aad u sarraysa, waxayna markii u horeysay dhagax dhigeen Biyo xidheen degmada loo samaynayo kadib markii Cabasho dadka deegaankaas ka timi ay ku sheegeen in magaaladu wakhtiyada roobka noqoto Togag Biyo ah isla markaasna dhib weyni ka haysato daadaadkaas, sido kale wuxu wasiirka caafimadku dhagax dhigay MCH loogu talo galay degmada warcimraan, wasiirka beeruhuna wuxu dhagax dhigay xafiiskii wasaarada beeraha, wasiirudawlaha maaliyadduna wuxu dhagax dhigay xafiiskii wasaradda xanaanada xoolaha, isago ballanqaaday in mashaariicda la dhagax dhigay oo dhan wasaaradda maaliyaddu lacagteeda bixinayso oo ay ka go’antahay xukumada madaxweyne siilanyo, Wasiirudawlaha Waxbarashada ayaa isna Dhagax dhigay Xafiiskii Wasaaradda Waxbarashada ee Degmada, isagoo sheegay in dhismayaashi dugsiguna ka socdo degmada oo ay hore u wadeen, Guddomiyaha Maxkamadda Racfanka ee Gobolka Togdheer aya isna dhagax Maxkmaddii degmada, Halka Taliyaha ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer uu dhagax Dhigay Jeelkii Degmada warcimran, isagoo ugu danbayntiina wasiirka madaxtooyadu dhagax dhigay Xaruntii Dawladda Hoose ee Degmada warcimraan, Taliyexigeenka Booliska Somaliland C/raxman Liiban Fooxle ayaa isna Gaadhi Booliis ku wareejiyey Taliyaha Ciidanka Bileyska Degmada warcimraaan, kaasoo ka mid ahaa bu yidhi ballanqaad ay xukuumaddu hore degmada ugu samaysay inay u keenayso Gaadhi Boolis oo ay ka codsadeen Ciidanka Booliska Degmadani.
Intaas kadib Munasibad ballaadhan oo lagu soo dhoweynayey Masuliyiinta iyo weftiga u hogaaminayey wasiirka madaxtooyadu ayaa lagu qabtay Degmada warcimraan, waxana munasibadda ka hadlay  Maayarka Degmada Warcimraan kuxigeenkiisa, Haween iyo odayaal ka mid ah Dadweynaha Degmada Warcimraan, masuliyiin ay ka mid ahaayeen Xasan Macalin afhayenka Guddiga Diiwangelinta Ururada, Xildhiban Shiine Faliidh oo kamid ah xildhibanada degaanka degmada Burco oo degmadan ka soo jeeda , Suldaan Maxmed Xaji Xuseen iyo Masuliyin kale oo ka soo jeeda Degmada warcimraan, Dhammaantood waxay Bogaadiyeen Xukuumadda Horumarka baaxadda leh ee ay ka waddo dalka iyo dardargelinta wax u qabashada bulshada, sido kale waxay aad u bogaadiyeen safarkii madaxweynuhu ku maray Dalka intiisa badan gaar ahaan socdaalkii Xeebaha Somaliland, waxayna qireen inaanay jirin Gobol ama  Degmo xukuumaddu hal mar u dhagax dhigtay 9 mashruuc oo ka mid ah mashaaricda horumarinta degmooyinka dalka, waxayna isku waaniyeen in xukuumadda u soo jeeda ee wax u qabanaysa la shaqeeyaan isla markaasna ay gaadhsiiyaan inay midho dhalaan mashaariicda manta la dhagax dhigay.


Maayarka Burco Maxmed Murad iyo Badhasabka Togdheer Maxmed Muse Diriye ayaa iyaguna dadweynaha reer warcimraan ugamahadnaqay sida diiran ee ay weftiga u qaabileen iyo qalbiga furan ee ay ku soo dhoweyeen, waxayna sheegeen in xafiisyo badan oo kuwii qaranka ugu sareeyey iyo kuwii hooseeyey ba isugu jira manta reer warcimran loo soo xidhay, iyagoo u soo jeediyey inay xukuumadda la shaqeeyaan una abaalgudaan, maadaama wax aan dalka ba ka dhicin loo sameeyey reer warcimraan oo maalin keliya 9 mashruuc loo dhagax dhigay.


Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Wasiirudawlaha Maliyadda    Cadaani oo munasibaddaas soo afmeeray ayaa sheegay inay ku socdaan amar madaxweyne , kaasoo ah in madaxweynuhu weftiga baaxaddaas leh u soo diray degmada warcimraan si mashaariic badan loogu so dhagax dhigo qaarkood na loo fuliyo, waxayna ku booriyeen dadweynaha reer warcimraan inay dhinacooda qabtaan oo ka qaybqaataan mashaariicdan, iyagoo u sheegay in gacmo wada jir wax ku gooyaan.


Gebogabadii Waxa Weftiga degmada warcimraan loogu sameeyey Hadhimo sharafeed qado ah, waxaana masuliyiintii ka midka aahaa weftiga wasiirka madaxtoyadu in badan ka sheekeeyeen taariikhda degmada warcimraan oo ay ku tilmaameen degmo taariikhi ah oo u baahnayd waxqabad iyo ln laga war hayo, iyadoo galabtana ka soo carraabay weftigu, kuna soo hoyday Caawa magaalada Burco.







Mustafe Osman (Mustafe Teacher)
Afkashacabka.com Burco /Office
Contact@afkashacabka.com

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN