Somaliland Kaalinta Layaab Leh Ka Gashay Dadka Ugu Farxad Badan Dunida

0
Tuesday April 28, 2015 - 10:22:48 in by Burco Office
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Kaalinta Layaab Leh Ka Gashay Dadka Ugu Farxad Badan Dunida

    Somaliland ayaa darajo layaab leh ka gashay daraasad lagu qiimeeyey sida ay ku kala farxad badan yihiin dadka ku nool 158 dal oo ku kala yaal shan Qaaradood ee adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa darajo layaab leh ka gashay daraasad lagu qiimeeyey sida ay ku kala farxad badan yihiin dadka ku nool 158 dal oo ku kala yaal shan Qaaradood ee adduunka.


Daraasaddan caalamiga ah oo ah tii saddexaad ee la xidhiidha farxadda adduunyada oo la bilaabay sannadkii 2012, waxa xog-ururin iyo naaqishaad ay sameeyeen khubaro ku kala takhasusay qaybaha kala duwan ee cilmiga sida dhaqaalaha, cilmi-nafsiga, falanqaynta cilmi-baadhisyada, caafimaadka iyo dhammaan dhinacyada nolosha bini’aadamka, kuwaas oo ka kala

socda jaamacado waawayn oo caalami ah, ayaa Somaliland ka gashay heer sare oo ay kaga mid noqotay 100 dal ee ugu sarreeya farxadda caalamka oo dhan.

 

 

 

Warbixinta natiijada daraasaddan heerarka farxadda dunida oo uu baahiyey urur magaciisa la yidhaa Isku-xidhka xallinta horumarka joogtada ah (Sustainable Development Solutions Network (SDSN) maalintii 23-kii bishan April 2015, waxa Somaliland ka gashay kaalinta 91-aad ee guud ahaan 158 dal ee laga sameeyey, halka lambarka 6-aad ay ka noqotay dalalka Afrika oo dhan.

Xog-ururintan daraasaddan oo waraysiyo lala yeeshay dad kala duwan, waxa su’aalaheeda lagu saleeyey qodobo looga cabbir-qaadanayey farxadda oo ay ka mid yihiin; korodhka dhaqaalaha gudaha ee dal kasta (GDP), istaageeridda bulshada dhexdeeda, inta qofku rajaynayo nolol caafimaad qabta, xorriyada lagu samayn karo isbeddel hab-nololeed, deeqsinimada, waxa dadku ka aaminsan yahay musuqmaasuqa iyo heerka qof waliba faraxsan yahay, kuwaas oo mid kasta tiro go’an loo sameeyey, waxa kaalinta koowaad ee farxadda adduunka galay dalka Switzerland oo helay dhibco dhan 7.587, waxaanna ku soo xiga waddamada kala ah; Iceland, Denmark, Norway iyo Canada, halka Somaliland oo daraasaddu ugu yeedhay Gobolka Somaliland fadhido kaalinta 91 ee adduunka ay dhibciheedu yihiin 5.057.

Dalalka Qaaradda Afrika oo dalka ugu sarreeya ee farxadda adduunku yahay Liibiya oo ku jirta kaalinta 63-aad waxa Somaliland ka tahay ka lixaad, waxaanay ka horreeya oo keliya Liibiya, Algeria, Mauritius, Nigeria, Zambia, Somaliland, iyadoo ka horreysa Morocco, Mozambique iyo dhammaan waddamada jaarka ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Haddaba, warbixinta daraasaddan oo ka kooban 166 bog oo qoraal ah, loona gudbiyey Qaramada Midoobay oo la sheegay inay ansixin doonaan dabayadaaqada sannadkan, waxa guud ahaan dalalka ku jira, siday u kala sarreeyaan iyo dhibcaha mid waliba helay kala yihiin sidan;

Switzerland (7.587);

2. Iceland (7.561);

3. Denmark (7.527);

4. Norway (7.522);

5. Canada (7.427);

6. Finland (7.406);

7. Netherlands (7.378);

8. Sweden (7.364);

9. New Zealand (7.286);

10. Australia (7.284).

11. Israel (7.278);

12. Costa Rica (7.226);

13. Austria (7.200);

14. Mexico (7.187);

15. United States(7.119);

16. Brazil (6.983);

17. Luxembourg (6.946);

18. Ireland (6.940);

19. Belgium (6.937);

20. United Arab Emirates (6.901).

21. United Kingdom (6.867);

22. Oman (6.853);

23. Venezuela (6.810);

24. Singapore (6.798);

25. Panama (6.786);

26. Germany (6.75);

27. Chile (6.670);

28. Qatar (6.611);

29. France (6.575);

30. Argentina (6.574).

31. Czech Republic (6.505);

32. Uruguay (6.485);

33. Colombia (6.477);

34. Thailand (6.455);

35. Saudi Arabia (6.411);

36. Spain (6.329);

37. Malta (6.302);

38. Taiwan (6.298);

39. Kuwait (6.295);

40. Suriname (6.269).

41. Trinidad and Tobago (6.168);

42. El Salvador (6.130);

43. Guatemala (6.123);

44. Uzbekistan (6.003);

45. Slovakia (5.995);

46. Japan (5.987);

47. South Korea (5.984);

48. Ecuador (5.975);

49. Bahrain (5.960);

50. Italy (5.948).

51. Bolivia (5.890);

52. Moldova (5.889);

53. Paraguay (5.878);

54. Kazakhstan (5.855);

55. Slovenia (5.848);

56. Lithuania (5.833);

57. Nicaragua (5.828);

58. Peru (5.824);

59. Belarus (5.813);

60. Poland (5.791).

61. Malaysia (5.770);

62. Croatia (5.759);

63. Libya (5.754);

64. Russia (5.716);

65. Jamaica (5.709);

66. North Cyprus (5.695);

67. Cyprus (5.689);

68. Algeria (5.605);

69. Kosovo (5.589);

70. Turkmenistan (5.548).

71. Mauritius (5.477);

72. Hong Kong (5.474);

73. Estonia (5.429);

74. Indonesia (5.399);

75. Vietnam (5.360);

76. Turkey (5.332);

77. Kyrgyzstan (5.286);

78. Nigeria (5.268);

79. Bhutan (5.253);

80. Azerbaijan (5.212).

81. Pakistan (5.194);

82. Jordan (5.192);

83. Montenegro (5.1922);

84. China (5.140);

85. Zambia (5.129);

86. Romania (5.124);

87. Serbia (5.123);

88.Portugal (5.102);

89. Latvia (5.098);

90. Philippines (5.073).

91. Somaliland region (5.057);

92. Morocco (5.013); 93. Macedonia (5.007);

94. Mozambique (4.971);

95. Albania (4.959);

96. Bosnia and Herzegovina (4.949);

97. Lesotho (4.898);

98. Dominican Republic (4.885);

99. Laos (4.876);

100. Mongolia (4.874).

101. Swaziland (4.867);

102. Greece (4.857);

103. Lebanon (4.839);

104. Hungary (4.800);

105. Honduras (4.788);

106. Tajikistan (4.786);

107. Tunisia (4.739);

108. Palestinian Territories (4.715);

109. Bangladesh (4.694);

110. Iran (4.686).

111. Ukraine (4.681);

112. Iraq (4.677);

113. South Africa (4.642);

114. Ghana (4.633);

115. Zimbabwe (4.610);

116. Liberia (4.571);

117. India (4.565);

118. Sudan (4.550);

119. Haiti (4.518);

120. Congo (Kinshasa) (4.517).

121. Nepal (4.514);

122. Ethiopia (4.512);

123. Sierra Leone (4.507);

124. Mauritania (4.436);

125. Kenya (4.419); 126.

Djibouti (4.369);

127. Armenia (4.350);

128. Botswana (4.332);

129. Myanmar (4.307);

130. Georgia (4.297).

131. Malawi (4.292);

132. Sri Lanka (4.271);

133. Cameroon (4.252);

134. Bulgaria (4.218);

135. Egypt (4.194);

136. Yemen (4.077);

137. Angola (4.033);

138. Mali (3.995);

139. Congo (Brazzaville) (3.989);

140. Comoros (3.956).

141. Uganda (3.931);

142. Senegal (3.904);

143. Gabon (3.896);

144. Niger (3.845);

145. Cambodia (3.819);

146. Tanzania (3.781);

147. Madagascar (3.681);

148. Central African Republic (3.678);

149. Chad (3.667);

150. Guinea (3.656).

151. Ivory Coast (3.655);

152. Burkina Faso (3.587);

153. Afghanistan (3.575);

154. Rwanda (3.465);

155. Benin (3.340);

156. Syria (3.006);

157. Burundi (2.906);

158. Togo (2.839).

-Xigasho Jamhuuriya