Madaxweynaha Somalia oo Garoowe ka Degey iyo Ujeedada Safarkiisa

0
Tuesday April 28, 2015 - 17:15:50 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somalia oo Garoowe ka Degey iyo Ujeedada Safarkiisa

    Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd gaadhay magaalada Garowe,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhawayd gaadhay magaalada Garowe,

isagoo halkaas uga qeyb geli doono shir looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, iyo ku-xigeenkiisa. Xasan Sheekh ayaa waxaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Garowe, halkaasoo wada hadalo uu kula qaadan doono Madaxweyne Gaas.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana saaka wadooyinka lagu daadiyay ciidamo fara badan oo amniga sugayay. Maalinta berri ayaa la filayaa in magaalada Garowe uu ka furmo shirka lagaga hadlaayo arrimaha Hiigsiga sanadka, waxaana ka qeyb geli doono madaxda Maamul goboleedyada dalkaasi Soomaaliya.

Imaanshaha Xasan Sheekh Maxmauud ee Garoowe, ayaa imanaya isagoo khudbad uu xalay ka jeediyay Magaalada Muqdisho uu markale xadgudub aflagaado ah u gaystay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, xili uu ka hadlaayay Soomaalida dagaaladu ugu dhaceen dalka Yemen, wuxuuna yidhi Madaxweynaha Xamar "Dadka Soomaalida ah ee Yemen ku xaniban ee dagaaladu ugu dhaceen si kasta gacan ayaanu uga gaysanaynaa, Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland ee ilaa hadda soo dhaweeyay dadkii soo gaadhayna way ku mahad sanyihiin halkaas kasii wada ayaan leeyahayā€¯. Hadalkan oo deel qaaf ku ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaanay ilaa hadda ka jawaabin Xukuumadda Somaliland.