Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dr Sacad Cali shire ayaa maanta abaalmarino iyo shahaado sharafyo kala duwan gudoonsiiyey shaqaalihiisa, iyadoo lagu kala qiimeeyey xirfadooda iyo shaqo wanaagii ay muujiyeen.

0
Sunday February 02, 2014 - 20:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 1169
  • (Rating 2.6/5 Stars) Total Votes: 16
  • 9 14
  • Share via Social Media

    Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dr Sacad Cali shire ayaa maanta abaalmarino iyo shahaado sharafyo kala duwan gudoonsiiyey shaqaalihiisa, iyadoo lagu kala qiimeeyey xirfadooda iyo shaqo wanaagii ay muujiyeen.

    Wasiirka Qorshaynta Qaranka Jsl Dr Sacad Cali Shire Hargiesa (burcoonline)-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dr Sacad Cali shire ayaa maanta abaalmarino iyo shahaado sharafyo kala duwan gudoonsiiyey shaqaalihiisa, iyadoo lagu kala qiime

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Jsl Dr Sacad Cali Shire Hargiesa (burcoonline)-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dr Sacad Cali shire ayaa maanta abaalmarino iyo shahaado sharafyo kala duwan gudoonsiiyey shaqaalihiisa, iyadoo lagu kala qiimeeyey xirfadooda iyo shaqo wanaagii ay muujiyeen.
Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Md Cabdirashiid axmed Guuleed ayaa munaasabada shaqaalaha lagu gudoonsiinayey abaalmarinada hadal uu ka jeediyey waxa uu xusay in shaqaaluhu sanadkii tegay u hawlgaleen si muwaadinimo ku dheehan tahay iyagoo dadaal badan geliyey sidii ay wax muuqda u qaban lahaayeen gaar ahaan diyaarintii qorshayaasha gobolada, sahankii guud ee dalka laga sameeyey iyo hanaankii diyaarinta mashaariicda oo uu soo raaco tirakoobkii guud ee qaybaha bulshada Somaliland.

Dr Sacad Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in ujeedada kulanka maantu yahay in shaqaalaha lagu bogaadiyo hawlkarnimadii ay muujiyeen sanadkii tegay isla markaana la gudoonsiiyo abaalmarinadii iyo shahaadooyinkii shaqo wanaaga ee ay mutaysteen, isagoo dhanka kalena kula dardaarmay in sanadka cusub ay sii labanlaabaan dadaalkoodii ay muujiyeen sanadkii tegay.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu shaqaalaha ku wargeliyey in kulankoodan ay dib ugu eegaan waxyaabihii sanadkii hore qabyada ka noqday wasaaradda iyo sababaha keenay, iyadoo wax walba gaar loo qiimaynayo

Gebagebadii kulankaas wasiirku waxa uu abaalmarino iyo shahaado sharafyo gudoonsiiyey shaqaalihii ugu kartida badnaa iyo kuwii loo gartay inay wax muuqda ku kordhiyeen shaqadii wasaaraddu u xilsaarnayd intii lagu jiray sanadkii ina dhaafay ee 2013