Maxkamadda Sare oo Go'aano ka soo saartay Dacwaddii ay u gudbiyeen Xisbiyada Mucaaradku AkhriL:

0
Thursday July 23, 2015 - 19:08:06 in by salman abdi
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare oo Go'aano ka soo saartay Dacwaddii ay u gudbiyeen Xisbiyada Mucaaradku AkhriL:

    Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go'aan ka soo saartay dacwadii loo gudbiyay ee u dhaxaysay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go'aan ka soo saartay dacwadii loo gudbiyay ee u dhaxaysay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah,

waxaana go’aankaas lagu shaaciyay in dalku leeyahay Dastuur uu ku dhaqmo kaas oo loo codeeyay 2001, wixii xiligaas ka danbeeyayna aan la ogolayn in laysu abaabulo hab beeleed. Sidaa daradeed ay xaraantahay in shir Qaran dalka laga qabto. Geesta kale. Waxay Maxkamadu go’aan ka soo saartay diidmadi ay Xukuumaddu kaga hor joogsatay in ay shirk u qabsan karaan Mucaaridku Huteelada dalka, waxayna ku dhawaaqday Maxkamadu in xisbiyada mucaaradku ay xor u yihiin in ay shirar ku qabsadaan Huteelada, balse ay sharci darro tahay inay  Xisbiyadu qaban qaabiyaan wax loogu yeedhay shir qaran. Taas oo ay hore Mucaaridku u iclaamiyeen.

11755147_931460773567153_5288927439765275758_n

imageimageimageimage

Fadhi ka dhacay  Maxkamadda sare oo ay goob joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare halkaas kaga dhawaaqay in xisbiyada mucaaradku ay shirar Huteelada ku qabsan karaan shirina karaan, balse ay sharci darro tahay inay abaabulaan shir Qaran taas oo aanay u haysan wax sharci ah.

Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa go’aabkan soo dhaweeyay, halka Xukuumadduna ay qaadatay. Waxaana go’aankani uu meesha ka saaraya  kala shakigii soo kala dhexgalay labada dhinac.

Hoos Ka Daalaco Nuqulada Go-aankaas.

imageimage