Xabsiga Ugu Xuma Dunida Oo Albaabada Loo Laabayo Iyo Deranada Ku Xeeran

0
Thursday July 23, 2015 - 21:30:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabsiga Ugu Xuma Dunida Oo Albaabada Loo Laabayo Iyo Deranada Ku Xeeran

    Xabsiga Guantanamo Bay ku yaalla Cuba ayaa lagu wadaa in albaabada loo laabo, kadib tobanaan sano oo xabsigaas lagu xirayay dadka loo heysto falalka argagixisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabsiga Guantanamo Bay ku yaalla Cuba ayaa lagu wadaa in albaabada loo laabo, kadib tobanaan sano oo xabsigaas lagu xirayay dadka loo heysto falalka argagixisada.



Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in meel gabo gabo ah uu marayo qorshihii lagu xiri lahaa xabsiga Guantanamo Bay.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa horay amar ugu bixiyay in la xiro xabsiga, maalintii ugu horeysay ee uu xafiiska Madaxweynaha uu fariistay.

Laakiin waxaa arrintaas ka hor yimid Aqalka Congress-ka oo walaac ka muujiyay in maxaabiista xabsigaas loo soo wareejiyo gudaha dalka Mareykanka.

Maxaabiis badan oo ku xirna xabsigaas ayaa la sii daayay, waxaana badankood la geeyay dalal ay asal ahaan ka soo jeedaan iyo dalal kale.

Xabsigan ayaa waxaa lagu hayay maxaabiista aan la soo taagin Maxkamad, waxaana kuwo ugu badan laga soo qabtay dalalka Ciraaq, Afghanistan, Pakistan iyo dalal kale.

Contact@afkashacabka.com