LABO QOF OO LAGU DILAY MAGAALADA KISMAAYO

0
Tuesday April 15, 2014 - 15:29:17 in by Super Admin
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LABO QOF OO LAGU DILAY MAGAALADA KISMAAYO

    Dilka labada nin ayaa ku soo beegmaya xilli raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu maalintii 4-aad ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilka labada nin ayaa ku soo beegmaya xilli raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu maalintii 4-aad ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Rag wejiyada soo qarsaday ayaa lagu soo warramayaa inay saakay labo nin oo dhallinyaro ahaa ku dileen xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo.

Warka ayaa sheegaya in qof dumar ah ay ku dhaawacantay rasaasta lagu dilay labada qof, waxaana dhaawaceeda la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Goobjoogeyaal ayaa  sheegay in ay baxsadeen raggii dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Juubba oo gaaray goobta ayaa sameeyey baaritaan, lamana sheegin cid ay falkaas u qabteen.

Lama garanayo cidda iyo sababta ka dambeysay dilka labada qof.

Dilka labada nin ayaa ku soo beegmaya xilli raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu maalintii 4-aad ku sugan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.






Afkashacabka.com

Kismanyo /Office

Contact@afkashacabka.com