Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Go'aankii Maxkamada Sare Soo Saartay

0
Friday July 24, 2015 - 11:29:11 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Go'aankii Maxkamada Sare Soo Saartay

    Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay go'aankii maanta ay khilaafkii shirka wada tashiga ee mucaaridka ah ay kasoo saartay maxkamada Sare. REF: XK/XGX/0042129/2015 Date: 23/07/2015

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay go'aankii maanta ay khilaafkii shirka wada tashiga ee mucaaridka ah ay kasoo saartay maxkamada Sare. REF: XK/XGX/0042129/2015 Date: 23/07/2015

Ujeeddo: Aragtida Go’aanka Maxkamadda Sare SL

Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.

Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.


 

 




ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE