Mujaahid Cali Gurey Muxu Ka Idhi Ajindaha Shirka Asxaabta Mucaaridka Qabanayaan

0
Friday July 24, 2015 - 11:35:29 in by salman abdi
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Cali Gurey Muxu Ka Idhi Ajindaha Shirka Asxaabta Mucaaridka Qabanayaan

    Guddoomiye kuxigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaridka ah ee UCID ayaa ka dhawaajiyey inaan la isla waafaqsanayn shirka ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madashu, waxaana uu qiray inaanu jirin wax ajenda ah oo shirkan u diyaarsan, isla markaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye kuxigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaridka ah ee UCID ayaa ka dhawaajiyey inaan la isla waafaqsanayn shirka ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madashu, waxaana uu qiray inaanu jirin wax ajenda ah oo shirkan u diyaarsan, isla markaana aanay jirin cid gacanta ku haysa agaasinkiisa iyo isku dubaridkiisa:

"Waxad moodaa inuu jiro madmadow badan oo ku saabsan shirka mucaaridka ee xisbiyada mucaaridku qabanqaabadiisa leeyihiin, oo xataa mucaaridka dhexdiisa aan si loo wada fahmsanayn oo ay jiraan shakhsiyaad u dhigaya inuu yahay Shirweyne Qaran oo loo wada dhanyahay, halka kuwo kalena ay u arkaan shir wada tashi oo mucaaridku ka yeelanayaan marxaladdan adag isla markaana xasaasiga ah ee dalku marayo.

Waxaa muuqata in aan Shirka ajandihiisa, ujeedooyinka laga leeyahay iyo weliba natiijooyinka laga fili karayo inay shirka ka soo baxaan aan midna la isla meeldhigin ama aan la qeexin.

Waxa kale oo iswaydiin leh cida gacanta ku haysa maaraynta hawlaha shirka oo ay durbo muuqato in aan loo sinayn taladuna aad moodo in meel gaar ah laga hagayo.

Sida daraadeed kama fursan karto inta aan hore loogu sii socon in si mug leh la isula qaadaa dhigo shirkan arimihiisa oo dhan si looga hortago inuu muran ka dhex dhalin karo mucaaridka ama xisbiyada gudahooda.

Wa Billaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Ku Simaha Gudoomiyaha

Xisbiga UCID