"Waxaan bogaadinaya gobonimada ay sameeyeen ardaagii dhibanaha ahaa iyo garwaaqsiga ardaagii dhibta gaystay"Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
Friday July 24, 2015 - 17:14:57 in by salman abdi
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan bogaadinaya gobonimada ay sameeyeen ardaagii dhibanaha ahaa iyo garwaaqsiga ardaagii dhibta gaystay"Wasiirka Madaxtooyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa Qoraal kooban oo uu so dhigay bartiisa facebookga kaga dareen celiyey xal u helida iyo nabadaynta dad isku degaan ahaa oo shaqaaqo yari ku dhex martay degaanka Guumeys ee Gobolka Sool waxanu yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa Qoraal kooban oo uu so dhigay bartiisa facebookga kaga dareen celiyey xal u helida iyo nabadaynta dad isku degaan ahaa oo shaqaaqo yari ku dhex martay degaanka Guumeys ee Gobolka Sool waxanu yidhi:

"Waxaan bogaadinaya gobonimada ay sameeyeen ardaagii dhibanaha ahaa iyo garwaaqsiga ardaagii dhibta gaystay anoo labadaba uuga mahadcelinayaa sida milgaha badan ee ay dawlada u ixtiraameen shuruucda dalkana uugu hogaansameen.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxaan maalmihii u dambeeyey safar nabadayn ah ku joogay deegaamada OOG iyo YAGOORI oo ka tirsan Gobolka Sool, halkaas oo laba beelood oo walaalo ah shaqaaqo ku dhex martay deegaanka GUUMAYS.

Hadaba , intii aan ku sugnayn deegamadaa walaalaha ah ayaad arkaysay shacabka oo u bisil nabada isla markaana dambiilaha ama gacan ku dhiiglaha dhan uuga soo wada jeeda sidoo kalena gacan iyo garab buuxa siinaya ciidamada amaanka si ay u xasiliyaan nabada.

Waxaan tacsi gaadhsiinayaa ardaayada dadku ka dhinteen anigoo intii dhimatay Illaahay uuga baryaya in uu Naxariistii janno ka waraabiyo sidoo kalena ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeena samir iyo iimaan ka siiyo,, "INAA LILAAHI WA INAA ILLAYHI RAAJICUUNā€¯

Waxaa hubaal ah in nabadu tahay tiirka uugu adag ee horumarka iyo wada noolaashaha dadkuna nabada ku nool yihiin ee aanay nabadu iyaga ku noolayn sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la wada ilaaliyo cid walba oo nabada cadaw ku ahna gacan bir ah lagaga qabto bulshada.

Safarkan oo noogu soo dhamaaday muwaafaqo iyo maslaxad ayay labada ardaa soo xuleen dhan walba 25 madaxdhaqameed halkaas oo ay degmada Caynaba Illaahay uugu dhaarteen in ay nabada ka shaqayn doonaan isla markaana wax amaanka khalkhal galinaya aanay cidna kala shaqaynayn, waxaana maalmaha soo socda la gali doonaa hanaankii nabada iyo cadaalada ee dalka.

Waxaan bogaadinaya gobonimada ay sameeyeen ardaagii dhibanaha ahaa iyo garwaaqsiga ardaagii dhibta gaystay anoo labadaba uuga mahadcelinayaa sida milgaha badan ee ay dawlada u ixtiraameen shuruucda dalkana uugu hogaansameen, waxaan sidoo kale amaan u jeedinayaa cid walba oo ka shaqaysay sidii nabadan loo xasilin lahaa xil wayna iska saartay.

Waxaan Ilaahay uuga rajaynayaa dhamaan deegaamada Somaliland in ay ku wada nooladaan nabad iyo is jacayl dantuna noqoto mid lawada jiro.

Wa Bilaahi Tawfiiq